Danjiraha Qramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Somalia Nicholas kay iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir Gen Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa maanta ku Kulmay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir , kulankaas ay wada qaateen labadan Mas,uul ayaa waxaa looga wada hadlay arimo dhowr ah .
Sidoo kale Kulanka labadan Mas,uul ayaa waxaa ay Diirada ku saareen Dhowr Qodob oo kala ahaa Dar dar galinta Amaanka Caasimada Doorashooyinka Golaha Degaanka iyo sidoo kale dar dar galinta Howlaha Dariseynta Ee Maamulka Gobolka banaadir uu ku howlanaa dhawaanahaanba .
Gudoomiyaha Gobolka iyo Daniraha Qaramada Midaabay ayaana isla gartay Muhiimada ay leedahay Hirgalinta Qorshayaashaas iyadoo Kay uu Gudoomiyaha u Balan qaaday in uu Xafiiskiisu ka qayb qaadanayo Fududeynta Howlahaas Maamulka Gobolka Banaadir uu ku Howlanyahay in Caasimada laga hirgaliyo.
Afhayeenka Maaamulka Gobolka Banaadir Cali Maxamuud Faarax {Seeko} ayaa Markii uu soo dhamaaday kulankoodu Waxaa uu Saxaafada uga Warbixiyay Waxyaabaha ay ka Wada Hadleen Gudoomiyaha Gobolka Gen Muungaab iyo Danjire Nicholas Kay
“Waxyaabaha ay ka wada hadleen Gudoomiyaha iyo Danjiraha Waxaaka mid ahaa in kor loo qaado iska dhex galka Bulshada sidoo kale dar dar galinta Howlaha Qaramada Midaabay ay ka Hayso Dalka Gaar ahaan Caasimada Waxaa kale oo ay ka wada hadleen in Amaanka oo ay Wax badan ka qabsoomeen la dar dar galiyo iyo in loo gogol xaaro Doorashooyinka Golaha Degaanka oo la qorsheeyay in Gobolka Banaadir ay ka dhacdo”ayuu Yiri Cali Seeko.
SomaliSwiss          Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.