Waxaa Maalintii Talaadada ahayd, kuna beegneyd 25/11/2014ka Magaalada Bern ee Caasimada Dalka Switzerland lagu qabtay kulan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaraddas, waxaana kulankaas lagu casumay qaar ka mid ah Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Kantoonada Wadankan Switzerland. (SAWIRRO)
kulankan oo ujeedkiisa ahaa in Danjiraha Dowlada Switzerland uga Wakiilka dalka Soomaaliya Mr. Dominik Langenbacher, uu uga warbixiyo Soomaalida waxyaabihii uu ku soo arkay Soomaaliya iyo xaaladda guud ee dalka Soomaaliya.
Sida ay sheegeen dadkii ka qayb Kulankaas in Danjiruhu ugu horreyntii uu ka hadlay waxqabadkiisa mudadii sanadka ahayd oo uu ka shaqeynayay Gudaha Soomaaliya, wuxuu kaloo Danjiraha ka warbixiyey socdaalo uu ku soo maray Magaalooyinka Soomaaliya qaar sida Muqdisho, Garowe iyo Hargeysa.
Danjire Dominik ayaa sheegay in uu aad ula dhacsan yahay sida uu haatan tahay xaalka Soomaaliya iyo dhismaha Maamul Goboleedyada balse Dowlada looga fadhiyo in ay waxqabadkeeda sii kordhiso.
Danjiruhu wuxuu soo hadal qaaday khilaafka ka dhex taagan Madaxda sare ee Dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Dowladiisa ay ka xun tahay isqab qabsiga ka dhex aloosan Madaxda sare ee Dalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.
Sida aan warku ku helnay qaar ka mid Soomaalidii halkaas ka hadashay oo hadalkooda laga dareemayey inuu jiro khilaaf, taasi oo la mid ah is-jiijiidka ka socda gudaha dalka Soomaaliya.
Ugu danbeyntii Danjiraha Switzerland ee Soomaaliya wuxuu Soomaalidii kulankaas ka soo qayb gashay ka dhageystay Warbixin la xiriirta Xaaladdooda, wuxuuna ku guubaabiyey, islamarkaasna kula dardaarmay inay ku dadaalaan sidii ay u mideyn lahaayeen aragtidooda, una muujin lahaayeen midnimo iyo jaceelka Waddankooda.
Wakiilka SomaliSwiss Bern
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.