Wasiirka Gaadiidka oo maanta la kulmay Iskaashatada Gaadiidka Dekadda ka howlgala

W. Gaadiidka iyo Duulista.jpg5Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho kulan kula yeeshey guddi ka socday iskaashatada iyo shirkadaha gaadiidka kaasi oo ku saabsanaa sidii dib u habayn loogu sameeyn lahaa gaadiidka xamuulka ee ka howlgalla dekedda magalaada Muqdisho.

Mudane Saciid Jaamac Cali Qoorsheel ayaa warbixinno ka dhageystya guddiga ka socday Iskaashatada iyo shirkadaha gaadiidka, kuwaasi oo ku saabsanaa cabashooyin.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada mudane Saciid Qoorsheel oo makii uu kulanka soo idlaaday kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay in kulanka la isku afgartay sidii gaadiidka xamuulka ah ee dekadda ka howlgalla ay u noqon lahaayeen kuwa shaqeyn kara, isla markaana si sinaan ah dekadda uga shaqeysta, si aysan u dhicin in qolo ay badsato xilliga ay dekadda ku qoranyihiin.

“Hadafka waxa uu yahay in baabuurta ay u sinaadaan howlaha dekadda, isla markaana aysan jirin cid si gooni ah dekadda uga shaqeysan karta, in baabuurta ay noqoto baabuur shaqeyn karta, waxaana isla meel dhignay sidii dib u habayn loogu sameyn lahaa nidaamka ay uga dhex shaqeysanayaan Dekadda magaalada Muqdisho” ayuu yiri Wasiirka Gaadiidka.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: