Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya iyo kan dalka Yemen oo ka wada hadlay arimo dhowr ah oo quseeya labada dal.

Somalia iyo Yemen.jpg1Wasiirada arimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashida Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beeyle ayaa magaalada Sanca ee caasimadda dalka Yemen kulan kula qaatay wasiirka arimaha dibadda ee dalka Yemen Mudane Abdullahi Max’ed Al-sayidi.

Madaxdan ayaa ka wada hadlay arimo dhowr ah oo quseeya labada dal, iyadoo wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beeyle uu uga mahadceliyay dowladda Yemen malaayiinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga xunyahay qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira dalka Yemen, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in dowladda Yemen ay dhibaatooyinkaasi ku xaliso nidaam dib u heshiisiin iyo wada hadal.

Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Yemen Amb: C/dullaahi Max’ed Al-sayidi ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal ay walaalo iyo saaxiibo yihiin, isagoo u rajeeyay in ay dib uga soo kabato dhibaatooyinkii ay dhaxalsiiyeen dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

Masuulkan ayaa sidoo kale ugu hambalyeeyay horumarrada dhinacyada amniga iyo dhismaha maamullada ee ay gaartay dowladda Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan dadaallada ay wado dowladda Soomaaliya.

Kulankan ayaa imaanaya xilli dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto dib u soo nooleynta xiriiradii ay la lahayd dowladaha caalamka, iyadoona ay xusid mudantahay in dalal badan oo caalamka ah ay safaaradahoodii dib uga furteen magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

SomaliSwiss Sanca
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: