Mrs Bineta Diop oo ah wakiilka Gudoomiyaha Midowga Afrika ee haweenka, nabada iyo xasilinta ayaa maanta Muqdisho soo gaartay mgalaada Muqdisho, waxayna la kulmay Wasiiro ka tirsan xukumadda Soomaaliya.
Kulanka oo uu shir guddoominayay Wasiirka Difaaca ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa waxaa kaloo ka qeyb galay Wasiirada Arrimaha gudaha iyo Federaalka mudane Cabdullaahi Goodax Barre, caafimaadka ali Maxamed Maxamuud “Cali Xareed” Wasiir Burci Maxamed Xamza iyo mas’uuliyiin kale waxaana diiradda lagu saaray arrimo ay ka midyihiin sidii loo xoojin lahaa taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo xasilinta guud ahaan amniga dalka.
 Marki uu soo dhamaaday Kulanka ayaa waxaa si wadajir ah saxaafadda ula hadlay waziirka difaaca soomaaliya iyo haweeneyda gudoomiyaha gudiga midowga afrika u qaabilsan arimaha haweenka, nabada iyo xasiloonida waxa ay waraabhinta ay faah-faahin ka siiyeen kulanka oo mudo ku dhow hal saac socday iyo qodobadii kasoo baxay.
Mrs Bineta Diop Wakiilka Midoga Afrika u qaabilsan arrimaha Haweenka, Nabada iyo xasiloonida ayaa sheegtay in waxyaabaha kulankooda kasoo bxay ay ka mid yihiin in laga shaqeeyo horumarinta iyo tayeynta ciidamda AMISOM iyo kuwa qalabka sida ee Soomaaliya.
Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa tilmaamay in ay isla garteen in awood la siiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed si ugu filnaadaan difaaca dalka, marka uu dhamaado joogitaanka ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM.
SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.