Boliiska Gobolka Zürich oo gacanta ku soo dhegay Nin Swiss ah oo doonayey inuu dhac geysto !!!!!

Die Post25 novembre 2014 – Boliiska Gobolka Zürich ayaa gacanta ku soo dhegay Nin u dhashay dalkan Switzerland oo 34 Jir ah, oo Maanta isku dayey inuu dhac u geysto Xafiiska Boostada ee ku tallo Xarunta Ganacsida Glatt ee deegaanka Wallisellen (ZH).

Qofkan ayaa la sheegay in markii uu soo galay wuxuu is-hor taagay Daaqada (sportello), kadibna wuxuu billaabay inuu handaday howlwadeen ka tirsan Boostada, isagoo doonayo inuu xoog uga qaato lacag.

Ha yeeshee howlwadeenada Boostada ayaa waxaa u suurta-gashay inay dibadda u saaraan dadkii macaamiisha ahaa ee gudaha ku jiray, kadibna Albaabada laga soo gala xiray.

Si xun u noolaha ayaa wuxuu ku dhacay dabantii ay u dhigeen Howlwadeena Boostada, wax yar kadib waxaa goobta soo gaaray Koox Ciidan ah oo Xaafadaas gaaf-wareygaysay, waxaana halkaas lagu xiray qofkii doonayey inuu dhac u geysto Boostada, sidaas waxaa shaaca ka qaaday Boliiska Gobolka Zürich.

Isha Warka:      Swissinfo
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: