Wasiirka Haweenka iyo Xuququl insaanka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamad Diiriye ayaa maanta u amba baxday dalka Turkiga, halkaas oo ay uga qayb geli doonto kulan ay soo qaban qaabisay dowladda Turkiga, oo looga hadli doono Arrimaha Haweenka wadamo badan oo Soomaaliya ay ku jirto
Marwo Khadiijo Maxamad diiriye oo garoonka diyaaradaha kula hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in safarkeeda dalka Turkiga uu yahay sidii ay uga qayb geli lahayd shir socon doona muddo labo cisho ah oo Arrimaha Haweenka ku saabsan.
Sida ay sheegtay Marwo Khadiijo Maxamad waxay rajeynaysaa in gaba gabada Shirka laga soo saaro qodobo dhaxal-gal u ah haweenka.
SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.