Wafdigii uu Hoggaaminayay Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta dib ugu soo laabtay dalka.

G. Baarlamanka-soo-laabtayGuddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib safar ay ku tageen dalka Jabuuti.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa sheegay laba casho ka hor in Isniinta berri ah loo qaybin doono xidlhibaannada baarlamaanka Somalia mooshinka ka dhanka ah ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed, inkastoo xildhibaannada diiddan mooshinka ay ku hanjabeen inaysan ogolaan doonin inuu kulanka berri qabsoomo.

Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay ku xigeennadiisa, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Mudane Jawaari iyo xubnaha wafdigiisa ayaa Jabuuti kaga qaybgalay munaasabad lagu furayay dhismaha cusub ee baarlamaanka dalkaas, isagoo sidoo kalena la kulmay guddoomiyeyaal uu ku jiray kan Jabuuti.

Maalinta berri ah ayaa la filayaa inuu furmo kulanka baarlamaanka oo laba jeer oo hore u qabsoomi waayay buq ay sameeyeen xildhibaannada, kasoo horjeeda mooshinka, kuwaasoo sheegay in mooshinkan uu sababi karo in baarlamaanku qaybsamo, gacantana la iskula tago.

Afhayeenka baarlamaanka ayaa ku goodiyay in tallaabo laga qaadi doono xildhibaankii isku daya inuu carqaladeeyo kulanka baarlamaanka uu Isniinta yeelan doono, isagoo sheegay in maalintaas laga hadli doono mooshinka ka dhanka ah xukuumadda.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: