Ururka Midowga Yurub ayaa soo saartay war sheegaya in muddo laba sano ah lagu kordhiyay howl-galka la dagaalanka kooxaha burcad badeedda Soomaalida si looga hortago khataraha kooxahaas.
Muhiimadda kordhinta howl-galkan ayaa lagu sheegay in ay tahay ka hortagidda in kooxuhu caqabad ku noqdaan dadaaallada gar-gaarka lagu gaarsiinayo Soomaliya iyo in maraakiibta xamuulka sida ay si nabad ah u gooshaan badaha dalka ay colaaduhu ka jiraan.
“Waxaa jiray guullo muhiim ah oo laga gaaray howl-galkan tan iyo markii la bilaabay 2008-dii ,balse waxaa la garowsaday in khatarta burcad badeedda ay wali tahay mid sii jirta†ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Brussels.
“Howl-galka Midowga Yurub waxaa uu keenay in la dhimo burcad badeedda ,waa inaan si wadnaa cadaadiska an ku haynno burcadda si aan u hubinno amniga Somalia ,tani waa mid ka mid ah danaheena guud “ sidaa waxaa yiri Federica Moghernin oo ah diblumasi Midowga Yurub u qaabilsan arimaha siyaasadda iyo amniga.
Waxaa la qorsheeyay in barnaamijkan labada sano ee so socota ay ku baxdo lacag dhan 14.7 million euro ,iyadoo howlgalkan uu hogaaminayo taliyaha guud ee ciidamada mariiniska boqortooyada Ingiriiska oo lagu magacaabo Jen. Martin Smith.
Sida warku lagu sheegay in weerarrada kooxaha burcad badeedda ah ay is dhimeen labadii sano ee la soo dhaafay ,inkastoo u jiro walaac laga qabo in mar kale ay dib u soo xogaystaan sida ku cad warkan ka soo baxay Midowga Yurub.
SomaliSwiss   Brussels
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.