Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Mudnaanta gaar ah la siinaya howlaha Hiigsiga 2016ka.

Madaxweyne xasan-sheekh.jpg9Madaxweynaha Soomaaliya oo shalay kasoo laabtay shirkii Copenhagen ayaa sheegay in horumarku uu sii socon doono, mudnaantana ay siinayaan Hiigsiga 2016-ka, kasoo uu sheegay inay dani ugu jirto Soomaaliya oo dhan.

“Waa inaan dib u jaleecnaa shirkii labada maalmood oo si cad loogu qeexay horumarka ballaaran ee aan ka sameynay New Deal iyo Somali Compact, waana inaan ogaanaa caqabadaha jira oo aan si wadajir ah uga hadalnaa sidii aan u dhameystiri lahayn inta harsan; annagoo kaashanayna beesha caalamka,” ayuu madaxweyne Xasan ku yiri qoraal uu maanta xafiiskiisa kasoo saaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas ku darya. “Waxaan u mahadcelinayaa dowladda Denmark oo shirka marti-gelisay iyo Qaramada Midoobay oo aan shirka wada guddoominaynay. Doodihii shirka aad bay ii dhiirri-geliyeen. Waxaana u mahad-celinayaa wafuuddii 59-ka dal ka timid nagala soo qayb-gashay shirka, kuwaaso na tusay sida ay uga go’an tahay taageerada Somali Compact.”

Sidoo kale, madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri. “Howlo fara badan baa na wada horyaalla. Horumarka siyaasada wuu sii soconayaa, dardar cusub ayaana gelinaynaa. Weli waxaa na horyaalla howlo fara badan oo nooga baahan inaan dhameystirno iyo kuwo kale ee soo baxa.”

Madaxweynaha ayaa sheegay in sannadka soo socda ay dowladdu ahmiyad iyo mudnaan gaar ah siineysaa howlaha muhiimka ah ee sahlaya Hiigsiga 2016-ka, sida dib u eegista dastuurka iyo ansixintiisa, nidaamka federaalka iyo doorashooyinka si dimoqraadiyadi ah u dhici doona.

Madaxweyne Xasan wuxuu intaas ku darya in xukuumadda iyo baarlamaanka ay diiradda saari doonaan bilaha soo socda sidii loo xaqiijin lahaa inaysan dhicin daahis oo ay hubinayaan dhismaha hay’adaha muhiimka ah iyo nidaamyada lagu xaqiijinayo in laga gun-gaaro dhaqan-gelinta Hiigsiga 2016-ka, taasoo waddada u sii xaaraysa sidii loo heli lahaa nabad waarta, xasilinooni iyo dib u heshiisiin.

“In waddanka laga xorreeyo argagaxisada waa muhiim, in qorshaha xasilinta dalka hubiyo waa muhiimad kale, xilliyada soo socda inaanu dhalino xoriyad waxay muhiim u tahay in shacabku ay dareemaan dowladnimada iyo in dalka oo dhan laga hirgeliyo maamullo,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.
Mudane Xasan Sheekh wuxuu kaloo sheegay in horumarka socda uu mid ka yimid guulaha amniga iyo xasilinta la gaaray, kuwaasoo uu xusay inay keeneen faa’iidooyin fog-fog oo waqti dheer leh oo ay shacabku dareemi doonaan.

“Waxaan aaminsanahay taageerada ciidamada AMISOM iyo wada-shaqeynta ciidanka Soomaaliyeed inay fure u tahay amaanka iyo nabadeynta dalka,” ayuu madaxweynuhu ku yiri qoraalkiisa.

Madaxweynahu waxuu u mahadceliyey saaxiibada Somalia ee isagu yimid shirkii Copenhage, wuxuuna si gaar ah uga mahad-celiyay taageeradooda dhaqaale iyo midooda farsamo, waxuuna soo dhaweeyay sida ay uga wal-walayaan mustaqbalka Soomaaliya.

“Walow aan mararka qaarkood ku kala argti duwannahay waxyaalaha yar-yarka ah, haddana waxaa dhab ah inaan dhammaanteen isku raacsanahay waxyaalaha waaweyn oo laf-dhabarka u ahaa shirka, sida in guusha dalka lagu cabiro sida ay isku bedesho nolosha shaqsiga Soomaaliyeed,” ayuu yiri madaxweynuhu.

Ugu dambeyn, wuxuu qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay. “Anigoo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed, waxaan xoojinayaa nabadda.

Waxaa sidoo kale xoojinaynaa dib u heshiisiinta – waxaana lagu gaarayaa si wadahadal, siyaasada oo laga wada qaybqaato, inaan caddeyno mas’uuliyaddeena iyo howlaha nalo xil-saaray , iyadoo ay naga go’an tahay inaan mudnaanta siino howlaha muhiimadda gaarka ah inoo leh iyo inaan isku aragti ka ahaanno Hiigsiga ku sameysan Soomaaliya waxay noqon doonto mustaqbalka.”

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: