Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo kulammo gooni-gooni ah la yeeshay xalay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya…

Madaxweyne Xasan 25.jpg3Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gooni-gooni ah xalay la yeeshay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia, iyadoo kulamadan looga hadlay khilaafka ka taagan dalka, kaasoo saameeyay hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Kulammada uu madaxweynuhu la yeeshay xildhibaannada kala jaban ayuu kala hadlay sidii khilaafka siyaasadeed loo dhameyn lahaa, iyaguna ay isku mowqif u noqon lahaayeen, xalka khilaafkana lagu raadiyo hab dastuuri ah.

Mudane Xasan Sheekh ayaa kulankiisii koowaad la yeeshay xildhibaanada mooshinka ka geeyay xukuumadda oo isaga taageersan, isagoo arrimo badan kala hadlay, waxaana xildhibaanadu ku wargeliyeen madaxweynaha in guddoonka baarlamaanka aanu dhexdhexaad ka ahayn mooshinka ay gudbiyeen.
Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu la kulmay xildhibaanada ka socday kuwa mooshinka kasoo horjeeda, kuwaasoo taageersan ra’iisul wasaaraha Somalia, waxaana Xasan Sheekh uu ka dalbaday inay joojiyaan buuqa iyo fowdada ay kawadaan baarlamaanka, isla markaana ay ixtiraamaan shuruucda dalka.

Madaxweynaha iyo xildhibaannada mooshinka kasoo horjeeda ayaa lasoo sheegayaa inay isku afgaran waayeen kulankan, kaddib markii ay diideen xildhibaannadan hadaka madaxweynaha ee ah inay is-xakameeyaan, iyagoo sheegay in mooshinkan uusan ahayn mid sharci ah.

Dhanka kale, madaxweynaha ayaa raadinaya xalka uu baarlamaanka ku gaaro sidii loo soo afjari lahaa khilaafka isaga iyo ra’iisul wasaarihiisa ka dhex-oogan, xilli guddoomiyaha baarlamaanka uu sheegay in Isniinta la qaybin doono mooshinka.

Si kastaba ha ahaateen, waxaan la ogeyn sida uu khilaafkan kusoo afjarmi doono, iyadoo xildhibaannada baarlamaanku ay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin mooshinka laga keenay xukuumadda.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: