Taliyihii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo geeriyooday.

Taliyaha 3aad BoliiskaAllaha u naxariirstee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday, taliyihii ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Maxamed Shiekh Xasan Ismaaciil.
Continue reading

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu Hoggaaminayo oo Xalay gaaray Caasimadda dalka Imaaraadka Abu-Dubai.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda SoomaaliyaMadaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaray magaalada Abu-Dhabi ee waddanka Isku-tagga Imaaraadka Carabta, iyadoo garoonka diyaaraha ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka, madaxda safaaradeena iyo jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas. Continue reading

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya oo wareysi siiyay Idaacadda VOA-da uu u sheegay in khilaafka madaxda dalka uu dhib u keeni karo horumarka dalka.

Wasiiradda A. Dibadda.jpg3Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Xasan Sh. Maxamuud iyo C/weli Sh. Axmed uu caqabad ku noqon karo dowladnimada iyo horumarka la gaarsiiyo Soomaaliya. Continue reading

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ku guuleeysatay sii deeynta Badmaaxiin u afduubnaa Burcad badeed Soomaali ah.

burcad-badeed-02Badmaaxiin u dhashay dalka Hindiya oo muddo afar sano ahna afduub ahaan loogu haystay deegaanno ka tirsan magaalada Xarar-dheere ee gobolka Mudug ayaa goor-dhow lasoo gaarsiiyay magaalada Muqdisho. Badmaaxiintan ayaa tan iyo markii la afduubtay waxaa gacanta ku hayay burcadbadeedda Somalia , iyadoo sii dayntooda ay qayb ka qaateen xubno ka tirsan maamullada gobollada dhexe ee Soomaaliya. Continue reading

Wasiirka arrimaha dibadda oo khudbad ka jeediyay Shirka la dagaalanka burcad badeedda.

BeyleWasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Dr. Abdirahman Dualeh Beileh ayaa muujiyay in dalkiisu u baahan yahay taageero caalami ah oo suuragelin kara in fursado shaqo loo abuuro kaluumeysatada iyo dadka xeebta degan si loo baabi’iyo jiritaanka falalka burcad badeednimo. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA
Continue reading

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay oo magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Madaxda sare ee dalka.

Banki moon Somalia.jpg2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Muqdisho ku qaabilay wafdi uu hogaaminayo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon iyo Madaxweynaha Kooxda Bankiga Adduunka, Jim Yong Kim, kuwaasi oo Muqdisho soo gaaray.
Continue reading

Xoghayaha Guud ee QM iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo maanta Barqadii si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.

Banki moon Somalia.jpg1Wafdi uu hoggaaminayo xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa Muqdisho si diiran loogu soo dhaweeyey, wafdiga Mr. Ban Ki-Moon ayaa waxaa ka mid yahay guddoomiyaha bangiga Adduunka.
Continue reading

Ciidanka Booliiska dekedda Muqdisho oo maanta gacanta ku dhigay kunteenar ay ku jiraan waxyaabaha qaraxa iyo qalabka ciidamada.

Konteener walxaha qarxa.jpg3Ciidanka Booliiska dekedda Muqdisho ayaa maanta gacanta ku dhigay kunteenar ay ku jiraan waxyaabaha qaraxa iyo qalabka ciidamada sida dhar iyo kabo ciidan, iyadoo la qabtay xilli la doonayay in laga bixiyo dekedda Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRRO KALE.
Continue reading

Magaalafa Baydhabo oo maanta ka dhacay Bannaanbax Sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan.

baydhabo.jpg1Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa waxaa  maanta ka dhacay Bannaanbax Sababay dhimasho iyo dhaawac fara badan, rabshadahaas oo ay ku dhinteen laba qof iyo dhaawaca in ka badan 10-qof oo kale, kuwaasoo dhammaantood ahaa shacab dibadbax looga soo horjeedo dhismaha maamulka saddexda gobol ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.
Continue reading

Madaxweyne Xasan sheekh iyo Wafdi uu hoggaanimayo oo maanta Gaaray Magaalada Baydhabo ee G/Bay.

Madaxweyne Xasan 25.jpg2Madaxweynaha Jamhuuriyadda Fadaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliyaan Ergayga Gaarka ah ee Q.midoobay u qaabilsan Soomaaliya, xubno ka tirsan labada Gole ee dowladda ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Baydhabo. Continue reading

Ciidamada Nabad-Sugidda oo hub iyo dad lagu tuhmay Shabaab ku soo qabtay howl-gal ay ka sameeyeen Muqdisho.

Ciidanka NabadsugiddaCiidamadda Nabad-sugida iyo Sirdoonka qaranka ayaa howgalo ballaaran ku soo qabtay hub iyo dadkii heystay kaddib howl gallo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir. Continue reading

Wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah oo maanta Shir uga furmay magaalada Muqdisho Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha, Dowladda.

Wasiirka Qorsheynata  Cabdullaahi QaloocoowWasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir u furay Agaasimeyaasha guud ee Wasaaradaha, kaasi oo looga hadlayo sameynta qorshaha horumarineed ee Qaranka, ayna ka qeyb galeen xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, diblomaasiyiinta iyo marti sharaf kale.
Continue reading

Shir ay yeeheen Golaha Wasiirrada oo maanta looga dooday kor u qaadidda Miisaaniyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha Wasiiradda.jpg 4Golaha wasiirrada Federaalka Soomaaliya ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay isugu yimaadeen gabbal-dhicii maanta uuna shir-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed ayay kaga doodeen arrimo dhawr oo ay ka mid yihiin; ammaanka dalka, miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2015-ka, iyagoo isla kulan warbixin kaga dhageystay hanti-dhowrka guud ee Qaranka.
Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta la kulamay Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Madaxweynaha  kulan.jpg11Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta la kulan kula yeeshay Xarunta Wasaaradda gaashaandhiga Saraakiisha ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasoo intooda badan looga hadlay howlgalka ka socda qaybo dalka ka mid ah ee loogu magac-daray Badweynta Hindiya.
Continue reading

Shirka dhismaha Maamulka Koofur-galbeed oo Maanta ka Furmaya Baydhabo iyo Mudane Jawaari oo la Kulmay Odayaaasha dhaqanka.

Jawaari Baydhabo.JPG9Shir lagu dhisayo maamulka koonfur-galbeed Somalai ayaa maanta ka furmaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, iyadoo furitaanka shika uu u tagay halkaas guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.
Continue reading

Mas’uuliyiinta Maamulka Puntland oo ka hadashay khilaafka soo kala dhex galay madaxda Federaalka Soomaaliya.

Maamulka PuntlandGolaha Wasiirrada maamul goboleed Puntland oo shir aan caadi ahayn xalay isugu yimaadeen ayaa kaga hadlay khilaafka soo kala dhex galay labada mas’uul ee ugu sarreeya Dowladda Federaalka Soomaaliya. Continue reading

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo sheegay in Ban Ki Moon uu booqasho ku tagayo Muqdisho.

Ban Ki-moonWasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo warfidiyeenno kula hadlay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho xilli uu u sii dhoofayay Magaalada Addis Ababa oo uu uga qeybgelayo shir ay leeyihiin Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD ayaa sheegay in Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Bani Ki Moon uu Muqdisho imaan doono 29-ka bishan. Continue reading

Danjire Nicholas Kay oo Kulammo gaar-gaar ah la yeeshay Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxda Sare Dowladda Soomaliya.Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa maanta kulamo gooni-gooni ah la qaatay madaxda dowladda Somalia, isagoo kala hadlay khilaafka adag ee soo dhex-galay madaxweynaha Somalia iyo ra’iisul wasaarahiisa.
Continue reading

Gudoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya oo ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Guddoomiye JawaariGuddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo C/weli Shiikh Axmed Maxamed. Continue reading

Wasiirka arrimaha dibadda oo u dhoofay Dalka Ethiopia.

Wasiirka A. Dibadda SomaliaWasiirka arrimaha dibadda iyo dhiirigelinta maalgashiga mudane C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta u ambabaxay magaalada Adis’ ababa ee dalka Ethiopia. Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka hor inta uusan ka ambabaxin Muqdisho ayaa sheegay in magaalada Adis’ababa uu uga qeybgalayo shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada IGAD halkaasi ku yeelandoonaa.
Continue reading

Qaramada Midoobay oo eedeyn Kulul u jeedisay Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Mr. Mark Layal 2Mr. Mark Layal oo ah Safiirka Britain ee Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ay ku lug leeyihiin ganacsiga sharci-darrada ah ee dhuxusha Soomaaliya.
Continue reading

Maxkamadda Ciidanka oo Maanta dil toogasha ah ku fulisay Gacan ku dhiiglayaalkii dilay wariye Timacadde.

Dil toogasha ah.jpg6Maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku fulisay saaka labo nin oo lagu eedeeyay in sannadkii hore ay dileen wariye Maxamed Maxamuud Tima Cadde oo ka howlgalayay TV-ga Universal.
Continue reading

Somalia: Two killed, six injured in a car bomb blast.

0f090c15e1f6337f33c996c66cefeedaf68c0269A carbomb blast on Saturday on a very populated street in the Somali capital has killed two and injured six civilians, sources said.Eyewitnesses told APA that a luxury car packed with explosives blew up as people nearby were having tea in a shopping business centers in Maka Al-mukaramah road the busiest street in capital that links the airport and the presidential palace. Continue reading

Decorated Soldier from ‘Black Hawk Down’ Battle in Somalia Dies at 52.

Gallagher_24273A decorated soldier who participated in the Somalia battle immortalized by Hollywood blockbuster “Black Hawk Down†was reportedly found dead in his Georgia home earlier this month. Continue reading

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Oo Faahfaahin Kabixiyay Xarigga L/Xidigle Cukaash.

ciidanTaliska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa ka bixiyay faahfaahin markii ugu horreysay xarigga laba xiddigle Cismaan Cilmi Guure (Cukaash) oo la xiray dhawaan, kaddib markii uu tiriyay gabay uu ku caayay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada xoogga dalka. HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA Continue reading

RA’IISAL WASAARE C/WELI SHEEKH OO KA JAWAABAY HADALKII MADAXWEYNAHA DALKA, & KHILAAFKA OO CIRKA ISKU SHAREERAY.

Ra'iisal-waasaraha.jpg2Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/weli Shiikh Axmed Maxamed ayaa bartiisa facebook uga soo jawaabay warsaxaafadeed uu MAdaxweynaha Soomaaliya ku burriyay iskushaandheyntii uu maanta ku sammeeyay xubno ka tirsan golaha Wasiirrada. Continue reading

War-saxaafadeen kadoo baxay xafiiska Madaxweynaha oo wax kama jiraan ku tilmaamay isku shaandheynta Golaha Wasiiradda ee uu ku dhawaaqay Ra’isul Wasaaraha.

???????????????????????????????Warka uu kasoo saaray Madaxweynaha Isku-shaandheynta golaha Wasiirada ayaa lagu yiri:- Sida aad ka warqabtaan waxaan mar walba ku guubaabiyaa umadda soomaaliyeed iyo madaxda dawladaba, in ay u hoggaansamaan Dastuurka Ku Meel Gaar ka ah iyo shuruucda dawliga ahba. HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheikh oo waraaqaha safiirnimo ka guddoomay danjiraha dowladda Sudan ee Soomaaliya.

IMG_77461Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waraaqihiisa aqoonsiga Safiirnimo ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Suudaan ay u soo magcaawday Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA KALE Continue reading

Xildhibaannada Baarlamanka oo ansixiyay Hindise sharciyeedka kalluumeysiga dalka.

Screen Shot 2014-10-25 at 21.27.53Mudaneyaasha Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta golaha shacabka ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedka Kalluumeysiga dalka, iyagoo dhanka kale soo gabagabeeyey Akhrinta Hindisaha Hanti dhowrka guud ee Qaranka. Continue reading

Banaanbax Nabadeed ka dhacay magaalada Baladweyne.

201410256354983457806598655Banaanbax nabadeed lagaga soo horjeeday rabshado dhawaan ka dhacay gobolka Hiiraan ayaa maanta ka dhacay magaalada Baladweyne ee xarunta gobolkaasi. Dibadbaxa oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal dadweyne ah oo ku dhaqan gobolkaasi. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA KALE Continue reading

%d bloggers like this: