Dowlada Turkiga oo si degdeg ah uga soo jawaabtay codsiga kaalmo Bani’aadanimo oo lala soo gaaro dadka Soomaaliya.

Raashiin gargaarDowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarku ay ku dhawaaqeen in Somalia ay ka jiraan abaaro aad u daran oo saameeyay ku yeeshay dadka iyo duuniyada ayaa waxaa durba kasoo jawaabay baaq ay dowladdu caalamka u dirtay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Waxaa dekedda Muqdisho si aad ah uga sheqeynayey qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Bisha Cas ee dalka Turkiga, kuwaasoo ku mashquulsanaa dejinta markab aad u weyn oo ka yimid Turkiga, kaasoo siday gargaar loogu talo-galay dadka Soomaaliyeed.

Raashiin gargaar.JPG1

Sidoo kale Shaqaalaha dekedda Muqdisho ayaa iyaguna ku mashquulsanaa dajinta iyo raashinka gargaarka ah ee ka yimid dalka Turkiga oo ahayd mid aad u fara badan, ayna mas’uuliyiinta Bisha Cas ee Turkiga ay sheegeen in loogu talo-galay in la gaarsiiyo gobollada dalka oo dhan, gaar ahaan kuwa ay ku ay abaaruhu sida xun u saameeyeen.
Dhanka kale Markabkan ayaa siday 10,000 oo metric ton oo raashin ah kaal duwan, kuwaa oo isugu jiray sokor, bur iyo baasto.

Mudane Mustafa oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii saxaafadda kula hadlay dekedda ayaa xusay in howshan ay noqon doonto mid joogto ah, ayna diyaar u yihiin inay dalka soo gaarsiiyaan gargaar kale oo intan ka badan inta laga qafiifinayo abaaraha ku dhuftay Soomaliya, ayna diyaar u yihiin inay caawiyaan walaalahooda Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameyeen.

Dalka Turkiga ayaa wuxuu hormuud u yahay dalalka caawiya Soomaaliya, iyadoo markii ugu horreysay ay Turkigu howlo gargaar bixin ah ka billaabeen dalka Soomaaliya sannadkii 2011, markaasoo ay dalka ka dhacday abaar sababtay macluul daran

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: