Dad Soomaali Ah Oo Si Qasab Looga Soo Tarxiilay Dalka Norway Oo Dib Loo Celiyay.

Turkish_Airlines2013Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta muwaadiniin Soomaaliyeed dib ugu celiyay dalka Norway oo si qasab ah dalka loogu soo tarxiilay, kuwaa oo laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Muwaadiniintani Soomaaliyeed oo tiro ahaan 6- ruux ahaa ayaa dowladda Norway waxa ay si qasab ah dalkeeda ay diyaarad ugu soo saartay Soomaaliya ayaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dalka dib ugu celisay diyaaradii keentay.

Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya Jen Cabdulaahi Gaafow  Maxamuud oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay sababaha ay dib ugu celiyeen dadkaasi, isagoo sheegay in sax aysan eheyn in si qasab ah muwaadiniin Soomaaliyeed loogu keeno dalka iyaga oo aan raali ka eheyn  waxaana uu tilmaamay in markii hore dowladda Norway ay la soo xiriireen ayna u sheegeen in dad Soomaaliyeed ay qasab ku keenayaan dalka, isagana uu u sheegay in aysan aqbali doonin arrinkaasi maantana ay dhacday sidaasi ay ku celiyeen.

Talaabadani ayaa dad badan u arka mid wanaagsan oo Soomaaliya ay kula dhaqmeyso wadamada caalamka sharciyada Qaxootiga caalamka taa oo ka dhigan in Soomaaliya ay soo ceshatay sharaftii iyo heybadii ay laheyd.

%d bloggers like this: