Booqashadii Ra’isal awasaarihii hore Cali Maxamed Geedi ee Jaaliyada dalka Finland & Su’aalo uu ka jawaabay.

CALI GEEDIRa’isal awasaarihii hore Cali Maxamed Geedi oo booqasho ku tagay dalka Finland ayaa lakulmay Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaasi kudhaqan, iyadoo Su’aalo ad adag halkaasi lagu weydiiyay, isla markaasna uu si siyaasadeysan uga jawaabay. HOOS KA DAAWO VIDEO-GA Continue reading

Xildhibaano ka soo jeeda Shabeellaha Dhexe oo ka soo horjeestay magacaabistii Gudoomiye kuxigeenada.

Ugaska Galos 10011893_532381160212468_1842321000_o (1)Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta ka soo horjeestay magacaabistii Gudoomiye kuxigeenadii Gobolka, iyagoo ku tilmaamay wareegtadii ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha mid aan dhaqan geli doonin. Continue reading

Khilaafka iyo kala qeyb sanaanta kooxda Shabaab oo sii xoogeystay, iyo wixii dhaliyay khilaafkaas.

al-shababKhilaaf iyo kala qeyb sanaan hor leh ayaa soo kala dhexgalay maleeshiyaadka Al-Shabaab, taasi oo soo ifbaxday kaddib dilkii horjooge Axmed Godane. Sida ku cad xog muhiim ah oo ay heshay Warbaahinta Qaranka waxaa jira khilaaf aad u balaaran oo ka dhex dilaacay kooxda Shabaab, kaas oo leh wajiyo kala duwan, salkana ku haya kaddib geeridii Axmed Godane waxa uu noqonayo mustaqbalka Kooxda Shabaab. Continue reading

Gudoomiyaha Gobolka Sh/Dhexe oo la sheegay inuu saluugsan yahay magacaabistii Gudoomiye Kuxigeenadii.

Screen Shot 2014-09-20 at 20.17.58Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Guudlaawe Xuseen ayaa la sheegay inuu saluugsan yahay magacaabidii Gudoomiye kuxigeenadii Gobolka, iyadoo magacaabidan ay durba ka dhalatay cabasho xoog leh oo ka yimid Beelaha ku dhaqan Gobolka Shabeelaha Dhexe. Continue reading

Dad Soomaali Ah Oo Si Qasab Looga Soo Tarxiilay Dalka Norway Oo Dib Loo Celiyay.

Turkish_Airlines2013Waaxda socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa maanta muwaadiniin Soomaaliyeed dib ugu celiyay dalka Norway oo si qasab ah dalka loogu soo tarxiilay, kuwaa oo laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Continue reading

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalka Oo Kulan La Qaatay Safiirada Turkiga Iyo Q.M Ee Soomaaliya.

DSCN0868Guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho, Safiirka cusub ee dowlada Tukiga iyo wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay arrimo kale duwan oo ku saabsan Xaalada Soomaaliya. Continue reading

Dowlada Turkiga oo si degdeg ah uga soo jawaabtay codsiga kaalmo Bani’aadanimo oo lala soo gaaro dadka Soomaaliya.

Raashiin gargaarDowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gargaarku ay ku dhawaaqeen in Somalia ay ka jiraan abaaro aad u daran oo saameeyay ku yeeshay dadka iyo duuniyada ayaa waxaa durba kasoo jawaabay baaq ay dowladdu caalamka u dirtay dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.
Continue reading

%d bloggers like this: