Maxkamadda darajada 1-aad oo xukun dil ah ku riday rag lagu soo qabtay jidgooyo.

Screen Shot 2014-09-28 at 23.45.21Maxkamadda darajada koowaad ee ciidmada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukuno kuriday askar iyo dadkale kuwaasi lagu soo qabtay iyaga oo dhiganaya jidgooyin lagu dhibaateynayay dadka ku nool deegaanno ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Maxkamadda oo maanta u fadhiisay dhagaysiga dacwad  ciqaabeed loo haystay   7  qof oo 4  ka mid ah ay ka tirsanyihiin askarta  ciidamada  dowladda oo  25-kii  bishaan  lagu soo qabtay, iyaga oo ku guda jira falal lagu dhibaateynayo bulshada ayaa maanta shan ka mid ah lagu xakumay dil toogasho, halka ay Maxkamaddu ay amartay in la sii daayo labo kale oo ka mid ah todobadii qof ee ay maanta Maxkamadda xukuntay.

Xeer ilaalinta ayaa ku eedeeyay in raga lagu soo qabtay gaari nuuca dadweynaha ah oo ay ka dhaceen ganacsato Soomaaliyeed xilli uu marayay deegaanka Tix-siile ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana soo qabashada ragaasi gacan ka geystay ciidanka xoogga dalka qeybta 20-aad.

Guddoomiyaha Maxkamada darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida   Soomaaliya  Kornayl Xasan Cali Nuur  Shuute ayaa Warbaahita qaranka uga waramay dacwad ciqaabeedka ay maanta u fadhiisteen iyo sida uu xakunka ku dhacay.

%d bloggers like this: