Beesha Gaaljecel oo Weraar afka ah ku qaaday wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Soomaaliya .

???????????????????????????????Kulan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka, waxgaradka, culumaa’udiinka, dhalinyarada iyo haweenka ka soo jeeda beesha Gaaljecel ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxay cambaareyn ugu soo jeediyeen wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada federalka C/hi Goodax Barre iyagoo ku eedeeyay in uu kala xigsanayo beelaha gobolka uuna soo dhoweysanayo beesha uu ka soo jeedo. HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Waxgaradkii ka hadlay kulankan oo uu ka mid ahaa nabadoon Aadan Yarow Xuseen isagoo sheegay in wasiirka arrimaha gudaha aysan ku habooneyn in uu kala xigsado beelaha gobolka dega isla markaana uu tixgelin ka siiyo beesha uu ka soo jeedo.

“Waxaan aad uga xunahay in wasiirka arrimaha gudaha uu ku xadgudbo qaab dhismeedka gobolka Sh/dhexe taasina ay tahay mid sababi karta in beesha Gaaljecel ay kalsoonida kala noqdaan dowlada federalka.”ayuu yiri nabadoon Aadan Yarow Xuseen.

Sidoo kale nabadoon C/qani Xaaji Muxumad Xaji oo ka mid ahaa dadkii ka hadlay kulankan ayaa sheegay in ay tahay mid aan ku habooneyn in nin sheeganayo wasiirnimo uu soo dhoweysto beesha uu ka soo jeedo uuna qof uu adeer u yahay iyo qof kale oo uu abti u yahay uu ku soo daro maamulka gobolka isla markaana duudsiyo xaqa ay lahayd beesha Gaaljecel.

Maryan Maxamed Kuulow oo ku hadlaysay magaca ururka haweenka beesha Gaaljecel ee gobolka Sh/dhexe ayaa kulankan eedeyn ugaga soo jeedisay wasiirka arrimaha gudaha iyadoo sheegtay in wasiirka uu min Kismaayo illaa beledweyne maamulada laga dhisayo uu ku darayo qof ay ehel yihiin taasina aysan ahayn tii uu dhaarta u soo maray ee ahayd in si cadaalada ah dalka uga shaqeyn doono.

Kulankan ay yeelatay beesha gaaljecel ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen warar aan la hubin oo sheegaya in guddoomiye ku xigeenkii maamulka gobolka Sh/dhexe ee dhinaca maaliyada iyo horumarinta Cali Cisman Ibraahin uu ka qaaday xilkii isla markaana uu u soo magacaabay nin lagu magacaabo Muxumad Sugaal Cismaan.

%d bloggers like this: