Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo maanta kulan la yeeshay Golihiisa wasiirada

GAASMadaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Cabdiweli Gaas, ayaa maanta Golihiisa wasiirada iyo saraakiisha ammaanka kulan deg deg ah kula yeeshay madaxtooyada Garoowe.

Kulankaas waxaa diiradda lagu saarayaa arrimo dhowr ah, waxaase ugu muhiimsan xaaladda cakiran ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacayo.

Sidoo kale waxaa arrimaha laga arrinsan doono ka mid ah xaaladda degmada Dhahar oo xalay uu ka dhacay dagaal dhex maray dhinacyo kala taageersan maamullada Puntland iyo Somaliland.

Howsha Garoonka diyaaradaha ee Gaalkacayo ayaa gabaabsi ahayd labadii maalmood ee ugu dambeeyey, kaddib markii Galmudug ay ku hanjabtay inay garoonka weerari doonto.

Dhanka kale, Maamulka Galmudug ayaa ka carootay xanibaad ay Puntland kusoo rogtey garoon macmil ah oo laga hirgeliyey koonfurta Gaalkacayo, garoonkaas oo Puntland ay diidey diyaaraduhu inay kasoo degaan.

Go’aanka uu Maamul Goboleedka Puntland ayaa u sababeeyey diidmada diyaaradaha arrimo la xiriira dhanka nabadgelyada duulimaadyada, maadaama sida ay sheegtay aanay suurogal ahay inay hal magaalo ka shaqeeyaan labo garoon oo masaafo aad u yar isu jira.

SomaliSwiss Garoowe
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: