R/wasaare C/weli iyo wafdigiisa oo dib ugu laabtay dalka.

Ra'iisal-wasaaraha Soomaaliya.jpg4Ra’isul wasaare C/weli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii safar shaqo ku soo maray wadamo ka tirsan caalamka, iyagoo saaka kasoo degay garoonka diyaaraha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo wefddigiisa, waxaa garoonka diyaaraha ku soo dhoweeyey Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Ra'iisal-wasaaraha Soomaaliya.jpg3

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya markuu ka soo degay kadib ayuu wuxuu Qolka nasashada  uu kula hadlay Warbaahinta , wuxuuna faah-faahin ka bixiyey muhiimadda shirkii lagu taageerayey ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ay uga qeyb-galeen magaalada London ee dalka Britain, isagoo  tilmamay in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo dardargelin lahaa dib u dhiska awoodda ciidammada Qalabka Sida.

“Kaddib safar shaqo oo asbuuc qaatay waxaan si nabad ah ugu soo noqonay dalka. ugu horreyn safarkayagu waxaa ugu muhiimsanaa shirkii magaalada London ee looga arrinsanayey xoojinta awoodda ciidankeenna oo ay ay ka soo baxday natiijo la taaban karo, waxana la isla gartay si ammaanka wax looga qabto in loo baahan yahay in la taageero ciidankeenna” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cabdiweli

“Ammaanka Soomaaliya waxaa hanan kara ciidan Soomaaliyeed oo xirfad iyo awood leh, sidaa awgeed waxay beesha caalamku nala garatay in maanta la joogo xilligii ciidamadeena la taageeri lahaa. Balan-qaad wanaagsan ayaa shirkaasi ka soo baxay, waxana aan filaynaa in laga dhabayn doono ballantaasi” sidaas waxaa yiri Mudane Cabdiweli

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa tilmaamay in magaalada Oslo ee dalka Norway uu kula soo kulmay dhiggiisa dalkaasi, isla markaana ay ka wada hadleen doorka dowladdaasi ee dhismaha Soomaaliya qeyboo kala duwan iyo in ay gacan ka geystaan horumarinta Garsoorka Soomaaliya.

“Waxaan sidoo kale safar ku tagnay Waddanka Norway oo ka mid ah waddamada daneeya Soomaaliya, runtiina wax badan inala qabta, waxaan wadaxaajood dheer la qaadanay madax sare oo dalkaasi ka tirsan. Wadahadaladii laba-geedoodka ahaa ee na dhexmarayna waxaa marka kowaad lagu xoojinayey xiriirka labada dal, iyadoo sidoo kale laga wada arrinsaday dhinacyada horumarinta iyo meelaha ay inaga taageeri karaan” ayuu hadalkiisa ku daray Ra’iisul wasaaraha.

Natiijooyinka ka soo baxay socdaalkii shaqo ee Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo wefdihii uu hoggaaminayo   ee dalka dibeddiisa ayaa ku soo dhammaadey guul, iyadoo Xukuumadda ay xoogga saareyso sal u dhiggidda hannaanka amniga, dhisma guud ahaan ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya, dejinta sharuucda dalka iyo in dalka la gaarsiiyo hiigisiga 2016-ka ee Soomaaliya.

SomaliSwiss        Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: