Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya oo magaalada New York kula kulmay madax ka tirsan Caalmka.

Madaxweyne Xasan iyo Ban ki Moon.jpg2Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareeykanka, iyadoo halkaasina si diirran loogu dhaweeyay.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda ayaa ka qeybgalaya shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay, isagoo kulamo gooni gooni ah New York kula yeeshay madax ka tirsan dalka Mareykanka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xalay ka qeybgalay casho sharaf madaxweynaha Mareykanku u sameeyay madaxda caalamka ee ka qeybgeleysa shirka Qaramada Midoobay.
Shirka sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu furmo beri Sagaalka aroornimo ee waqtiga New York .

SomaliSwiss     New York
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: