Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare oo maanta soo bandhigay deeqo waxbarasho …..

Astaanta QarankaMas’uuliyiinta Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare ayaa waxay maanta warfidiyeenada kula hadlay xarunta Wasaaradda, waxayna ka warbixiyeen deeq waxbarasho oo ay Dowladda Soomaaliya ka heshay dowladda Ciraaq iyo sharuudaha looga baahan yahay ardayda ka faa’ideysanaysa deeqdaasi oo taridoodu lagu sheegay 352 arday.Agaasimaha guud ee Wasaaradda Hidaha iyo Tacliinta sare Ismaaciil Yuusuf Cismaan oo ugu horeyn goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqahan waxbarasho ay yihiin kuwa loogu faa’iideynayo ardayda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah arrintaasi uga mahadceliyay mas’uuliyiinta safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq.

Agaasimaha oo ka warramayey deeqdaas wuxuu yiri : “Deeqda waxaa ka mid ah 32 kursi oo ah caafimaad guud, 17-kursi oo kalkaaliye caafimaad ah, 12-kursi oo barashada Farmashiyaha ah, 8-kursi oo caafimaadka ilkaha, 4-kursi oo ah caafimaadka xoolaha ah, 113 kursi oo Injineeriye ah iyo kuwa kale, ardayda waxaa looga baahanyahay inay la yimaadaan shahaado dugsi sare, shahaado caafimaad, labo sawir, warqadda dhalashada iyo baaso boor”.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Hidaha iyo Tacliinta sare ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Kulan ayaa uga mahadceliyay dowladda Ciraaq kaalmada waxbarasho ee ay ardayda Soomaaliyeed u fidisay, isagoo xusay in deeqdaasi ay ardayda Soomaaliyeed ee ku nool gobolada dalka si cadaalad ah u gaarsiin doonaan, ayna u saareen guddi ardayda ka faa’iideysanaysa deeqahaasi imtixaan ka qaada.

Ugu danbeyntii, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dowladaha Soomaaliya la garabtaagan deeqaha waxbarasho kaddib markii ay Soomaaliya ka soo kabatay bur bur in muddo ah daashaday.

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: