Guddoomiyaha Barlamaanka iyo Ra’iisul wasaare C/weli Sheekh oo maanta si Rasmi ah u furay Shirkii dib u heshiisiinta Baydhabo.

Jawaari Baydhabo.JPG11Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed iyo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Cismaan Jawaari ayaa si rasmi ah uga furay Baydhabo shirweynaha dib-u-heshiisiinta gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya, kaasoo socon doona 45 cisho.
Continue reading

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta kormeer ku tagay dhismaha ka socda Garoonka Aadan Cadde

Dhismaha Garoonka.jpg1Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kormeer ku tagey dhismaha ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan oo laga hirgelinayo Terminal weyn oo ka kooban qeybo kasta oo garoon uu leeyahay, islamarkaana loo dhisayo si casri ah oo uusan garoonka Muqdisho horay u laheyn.
Continue reading

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo maanta soo kormeeray xarunta dowladda Hoose oo dayactir ay ka socoto .

Muungaab.jpg15Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab” oo maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib safar shaqo oo uu dalka dibaddiisa ugu maqnaa ayaa kormeer howleed ku tegay xaruntii hore ee Maamulka Gobolka oo ay ka socoto howlo dib u dayactir ah.
Continue reading

Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya oo la kulmay danjiraha cusub ee Turkiga u jooga Soomaaliya

Wasiirka Gaashaandhigga.jpg4Wasiirka Gaashaandhigga ee xukuumadda Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Turkiga u jooga Soomaaliya Danjire Olgan Bekar, iyagoo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ugu horeyso dhismaha ciidanka xoogga dalka.
Continue reading

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Saakey la wareegay deegaanno ka tirsan G/Galgaduud

Ciidamada XDS1Ciidanka XDS iyo kuwa nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maleeshiyadka Al-Shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.
Continue reading

Madaxweynaha Maamulka lixda gobol Mudane Madoowe Nuunoow oo Taageeray Shirka furmaya Baydhabo.

Madoobe Nuunow Maxamed4Madaxweynaha maamulka lixda gobol ee Baydhabo, Madoobe Nuunow Maxamed ayaa la sheegay inuu taageeray shirka maanta ka furmaya Baydhabo, kaasoo uu ku tilmaamay inuu yahay mid wanaagsan oo la isugu soo dhaweynayo dhinacyada uu khilaafku u dhexeeyo.
Continue reading

%d bloggers like this: