Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shaaca ka qaaday in Xukuumadda ay qabaneyso shirweyne ku saabsan dhaqanka.

Golaha Wasiirada.jpg4Kulan aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay, waxaana diiradda lagu saaray xaaladda abaaraha ka jira dalka, Amniga guud, iyo qodobo kale oo kamid yahay dowladda Soomaaliya oo dib-u-habayn ku samaynaysa shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
Continue reading

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka warbixiyey Shirka dib u heshiisiinta berri ka furmi doono magaalada Baydhabo.

prof_jawaari_somali_speaker 2012_aug_28Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo Baydhabo ku sugnaa maalmahan ayaa faah faahin ka bixiyey shirka dib u heshiisiinta shacabka Koonfur Galbeed oo maalinnimada berrito ah ka furmi doona magaalada Baydhabo.
Continue reading

Horjoogeyaal ka tirsan Al-Shabaab oo la dilay, lagana bur-buriyey xerooyin ay lahaayeen.

AMISOM KismaayoCiidamada AMISOM gaar ahaan qaybtooda 2aad oo shalay howlgallo ka sameeyay deegaanka ka tirsan degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa lagu soo waramayaa inay dileen horjoogayaal ka tirsan Shabaab, isla markaana ay bur buriyeen labo xero oo ay dhalinyarada ku taba bari jireen.
Continue reading

Suuqii Ansalooti ee degmada Xamar-jabjab oo dib dayactir loogu sameeyey.

???????????????????????????????Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Benaadir ee dhanka Siyaasadda Maxamed Aadan Guuleed “Caano geel” oo ay wehliyaan qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka ayaa maanta xariga ka jaray suuqa Ansalooti ee degmada Xamar Jajab, halkaasi oo dib u dayactir lagu sameeyay. Continue reading

%d bloggers like this: