Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Kulan Su’aalo lagu weydiinayo, uuna kaga Jawaabayo wax-qabadka labadii Sano ay Dowladdiisa jirsatay.

Madaxweyne xasan-sheekh.jpg6Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qeyb galay Kulan uu kaga jawaabayay su’aalo ay weydiinayeen dadweyne kale duwan oo la soo gaba gaboobay caawa fiidnimadii, waxaana kulankaas soo qaban qaabiyay Machadka Heritage.
Continue reading

Xulistii Ergooyinka ka qayb-geli lahaa shirka dib u heshiisiinta Jubooyinka oo maanta la soo gabagabeeyey.

kismaayo1Gudiga dib u heshiisiinta Jubooyinka oo maalmihii u danbeeyay waday kulamo gooni gooni ah oo ay la yeelanayeen qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan deegaanada Jubbaland ayaa maanta soo gabagabeeyay howshii xulista ergada ka qeybgeli doonta shirweeynaha dib u heshiisiinta Jubooyinka. Continue reading

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Jawaari oo Sheegay in la Qabanayo Shir dib u Heshiisiineed.

baydhabo.jpg4Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka hadlay shir ka dhacay magaalada, wuxuuna sheegey in la sameynayo shir dib u heshiisiin ah, kaasoo dhici doono 14-ka bishaan, isagoo si aad ah uga hadlay sidii la isugu keeni lahaa dhammaan dhinacyada isaga soo horjeeda maamul u sameynta gobollada Koonfur-galbeed.
Continue reading

Dhallinyarada Degmooyinka Gobolka Banaadir oo Dood-Cilmiyee loo Qabtay

Dhallinyarada.JPG1Dood-cilmiyeed ay CCD soo qaban-qaabisay ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, kaasoo dhalinyaro ka socday 17-ka degmo ee Muqdisho ay ka qayb-galeen. Dood-cilmiyeedka ayaa diiradda lagu saaray sidii dhallinyarada u dagaalanta Al-shabaab looga soo saari lahaa, isla markaana uga faa’ideysan lahaayeen cafiska dowladdu u fidisay ee 45-cisho ah.

Continue reading

Naafada ku nool Muqdisho oo u dabaal degay bisha Nabadda.

naafada3Munaasabadan oo aheyd mid ay soo qaban qaabiyeen ururka awood siinta naafada Soomqaliyeed iyo xafiiska QM. uu ku leeyahay Soomaaliya islamarkaana loogu dabaal dagayey bisha Nabadda caalamku uu u aqoonsaday bishan Sebtenber ayaa waxaa kaqeybgalay mas’uuliyiin kala duwan oo ka socotay dhanka naafada iyo xubno kale.
Continue reading

%d bloggers like this: