Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere oo ku goodiyay in ay dagaal culus qaadi doonaan una aar-gudi doonaan Hoggaamiyahoodii.

sheekh_cali1Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo ku gooddiyay inay dagaal culus ay qaadi doonaan una aar-gudi doonaan Hoggaamiyahooda shahiiday, wuxuuna sheegay inay sii soconayaan dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM kaddib dilkii Amriikoodii hore, Axmed Cabdi Godane, isagoo. Sheekh Cali Dheere oo ka hadlayay geeridii hogaamiyahoodii ayaa sheegay inuu kasoo dagaalamay dalka Afganistan uuna markii dambe u soo wareegay Soomaaliya, isagoo ku sifeeyay inuu ahaa halyey geesi ah.

“Geerida Abuu Zubeyr dagaalka aan ku jirno uma turaan-turroon doono, waanan ku bullaali doonnaa illaa xabbadu qarxdo. Shareecadeenna ma ahan fikrad qof leeyahay oo markuu geeriyooda meesha ka baxaysa ama la tabo,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa xusay inay u aar-gudi doonaan hoggaamiyihii laga dilay, isla markaana cawaaqib xun laga dhaxli doono dilkiisa, inkastoo aanu sheegin cidda ay uga aargudi doonaan.

“Haddii Abuu zubeyr uu geeriyooday, innagu waxaan nahay kumanaan qof oo u diyaar ah inay jidkiisa maraan. Dhamaanteenna waxaa naga go’an inaan guuleysanno ama geeriyoonno, waxaan ogaan doontaan inaanu nahay dad aar-goosta iyo in kale, waxaad sugtaanna waa cawaaqibta aad ka heli doontaan falalka foosha xun aad ku kacdeen,” ayuu hadalkiisa ku daray Sh. Cali Dheere.

Afhayeenka ayaa sheegay in amiirka cusub ee lagu bedelay Abuu Zubeyr in uu la wareego doono hoggaanka Xarakada Al-shabaab uuna halkaas kasii wadi doono dagaallada lagula jiro kuwa diinta kasoo horjeeda, waa sida uu yiriye.

Dhinaca kale, Sheekh Cali dheere ayaa sheegay inay jadiidiyeen heshiiskii ay horay ula galeen hoggaamiyaha Al-Qaacida, Ayman Al-zawaahiri, wuxuuna meesha ka saaray shaki dhawaanahay ka jiray oo ahaa in laga yaabo in Al-shabaab ay ka leexan doonto jidka Al-Qaacida, kuna biiraan kooxo kale oo calamka ka jira.

Hoggaamiyihii Al-shabaab, Abuu-Zubeyr ayaa ku dhintay duqeyn uu Isniintii lasoo dhaafay Mareykanku ka fuliyay gobolka Shabeellada Hoose xilli habeen ah, iyadoo dhimashada hoggaamiyihii Al-shabaab la shaaciyay afar casho kaddib dilkiisii.

SomaliSwiss       Baraawe
SomaliSwiss@hotmail.com

 
%d bloggers like this: