Waa maxay sababta ay Golaha Wasiirada xilka ugu qaadeen Madaxii Sirdoonka C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

img_5066Sababta deg dega ah ee keentay in xilka laga qaado Madaxii Sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa la sheegaya in maalintii shalay uu xiray xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, madixii Radio Kulmiye, Agaasimaha Radio Muqdisho, isagoo intaasi kadib amar diido ku sameeyay wasiirka Amniga iyo wasiirka Warfaafinta oo iyagu xafiiskiisa ugu tagay, isla markaana uu aflaqaadeeyay waa sida lagu dhex sheegay fadhiga Golaha Wasiirada Ra’iisal Wasaaraha dalka. HOO KA AKHRI WARBIXINTA IYO VIDEO Continue reading

GOLAHA WASIIRADA OO ISKU RAACAY IN XILKII LAGA QAADO AGAASIMIHII HAY’ADA NABAD SUGIDA C/LLAAHI MAXAMED CALI (SANBALOOLSHE).

Ciidanka Nabadsugidda Qaranka oo Albabbaada u laabtay Idaacadaha Kulmiye iyo Simba ee ka howlgela magaalada Muqdisho.

Nabadsugidda.jpg4Ciidanka nabadsugidda Qaranka ayaa albaabada u laabay saaka idaacadaha Kulmiye FM iyo Simba FM oo ka mid ah idaacadaha ka howlgala Muqdisho, iyadoo shaqaalihii idaacadahaasna qaarkood xabsiga loo taxaabay.
Continue reading

Afhayeenka Al-shabaab Cali Dheere oo ku goodiyay in ay dagaal culus qaadi doonaan una aar-gudi doonaan Hoggaamiyahoodii.

sheekh_cali1Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere oo ku gooddiyay inay dagaal culus ay qaadi doonaan una aar-gudi doonaan Hoggaamiyahooda shahiiday, wuxuuna sheegay inay sii soconayaan dagaallada ay kula jiraan dowladda iyo AMISOM kaddib dilkii Amriikoodii hore, Axmed Cabdi Godane, isagoo. Sheekh Cali Dheere oo ka hadlayay geeridii hogaamiyahoodii ayaa sheegay inuu kasoo dagaalamay dalka Afganistan uuna markii dambe u soo wareegay Soomaaliya, isagoo ku sifeeyay inuu ahaa halyey geesi ah.
Continue reading

%d bloggers like this: