Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo si aad ah u adkeysay Amniga magaalada Muqdisho iyo Xarumaha Dowladda.

Muqdisho.jpg4Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si aad ah u adkeysay Amniga magaalada Muqdisho iyo Xarumaha muhiimka ah ee dowladda Soomaaliya, kaddib markii wasaarada amniga Qaranka ay soo saartay digniin ku saabsan inay dhici karto in Al-shabaab ay weerarro aar-gudaan hoggaamiyahooda la dilay soo qaadaan.

Ciidanka booliiska iyo nabad-sugidda ayaa maanta lasoo dhoobay qaybo ka mid ah jidadka iyo isgoysyada waaweyn ee Muqdisho, kuwaasoo si aad ah ammaanka u adkeynayay, isla markaana baaritaan ku sameynayay gaadiidka gaarka loo leeyahay.

Sidoo kale Baaritaanada ay ciidamadu sameynayaan ayaa waxaa barbar socday howlgallo ammaanka lagu adkeynayo, iyadoo waddooyinka laga dareemayay mashquul badan gaadiidkuna ay si aad ah buuxiyeen isgoysyada muhiimka ah ee caasimadda.

Xarumaha dowladda Soomaaliya oo ay ku jiraan wasaaradaha iyo laamaha kala duwan ee amniga ayaa si aad ah iyagana loo adkeeyay, waxaana la xiray waddooyinka hormara qaarkood, iyadoo ciidamadu ay feejignaan dheeraad ka muuqatay.

Dhanka kale, Wasiirka Amniga Qaranka, Khaliif Axmed Ereg oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dhici karaan weerarro argagixiso oo ay soo qaaddo Al-shabaab, kaddib dilkii Axmed Cabdi Godane.

Xarakada Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin geerida hoggaamiyahoodii, balse xukuumadda Washington Mareykanka ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay xalay in duqeyntii ay ka dhacday gobolka Shabeellada Hoose ku dileen hoggaamiyihii Al-shabaab.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

 
%d bloggers like this: