Madaxweyne Xasan Sheekh aha Ra’iisul wasaare C/Weli oo si wada jir ah ula dardaarmay guddiga farsamo ee maamul u sameynta G/ dhexe.

Madaxweynaha iyo Ra'iisal-wasaarahaWaxaa shalay lagu qabtay magaalada Muqdisho kulan lagula dardaar gelinayey guddiga farsamo ee ay Xukuumadda Soomaaliya u xil saartay maamul u sameynta gobollada dhexe ee Soomaaliya, iyadoo guddiga ay si rasmi ah u bilaabi doonaan howshooda, waxaana kulankaasi ka qeyb-galay madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, xubnaha guddiga iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.

Kulankan ayaa ka dhacay Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen madaxa maamullada hadda ka jira gobollada dhexe ee dalkeenna.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Gaadax Barre, ayaa kulan ka sheegay howlaha guddiga farsamo uu qaban doonno, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyey in shaqada uu bilaabayo guddiga in ay guul ku dhammaato.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Xukuumadda ay si dhow ula shaqeyn doonto, isla markaana ay ka rajeyneyso in ay soo dhisaan maamulka gobollada dhexe 45-ka casho oo ay heystaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo kulanka hadal dardaaran dheer ka jeediyey, ayaa uga mahadceliyey Xukuumadda dadaalkeeda ku aaddan sida ay uga shaqeysay sameynta guddiga farsamo ee maamul u sameynta gobollada dhexe ee Soomaaliya, dhanka kalena dardaaran u jeediyey guddiga farsamo, isagoo kula dardaarmay in ay si cadaalad ah oo ay ku jirto Soomaalinimo uga shaqeeyaan sidii gobollada dhexe loogu dhisi lahaa maamu gobolleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku ammaanay dadka dega gobollada dhexe, sida ay u soo ceshteen nabadda oo ay isaga difaaceen kooxaha nabad-diidka Al-Shabaab, isagoo arrintaasi ku boggaadiyey guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Dhinaca madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay geeridii horjoogihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Aw Godane, isagoo hoosta ka xariiqay in arrintaasi ay ku timid iskaashi ay sameeyeen dowladaha Soomaliya iyo Mareykanka.

Guddigan ayaa muddo 45 maalmood ah ka howl-geli doona sidii uu u fududeyn lahaa dhammaan qorshaha dhisidda maamulka gobollada dhexe, waxaana guddiga laga soo kala xulay dhammaan bulshada Soomaaliyeed ee degta gobollada dhexe ee dalkeenna Soomaaliya.

SomaliSwiss         Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: