Shil Diyaaradeed oo Maanta Ka Dhacay Garoonka Diyaaradah Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

garoonka diyaaradaha muqdishoGaroonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho oo Maanta Ka Dhacay Shil Diyaaradeed, kadib markii diyaarad ka timid magaalada Gaalkacyo ay ka baxday wadada Oroka (Run-way), iyadoo muddo saacado ah la xiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista hawada ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in Labadii duhurnimo iyo Labaatan daqiiqo ee maanta ay diyaarad Fokor ah oo ka timid Gaalkacyo ay soo caga dhigatay garoonka Aadan Cadde, kadibna ay ka baxday waddada, isagoo xusay in bur bur xoog leh uu soo gaaray diyaaradda.

Siciid Qoorsheel Wasiirka Gaadiidka iyo Duuliska hawada oo hadalkiisa sii wata ayaa xaqiijiyay iney bed qabaan oo aysan wax dhibaato ah gaarin 35 rakaab ah oo saarnaa diyaaraddaasi iyo duuliyayaashii, wuxuu intaa raaciyay in diyaaradda ay ku timid cillad dhinaca lugaha ah.

Wasiirka ayaa xusay in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde la xiray muddo saacado ah haddana dib loo fasaxay duulimaadyadii kadib markii sida uu sheegay la soo gebagebeeyay howsha diyaaraddaasi.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

 
%d bloggers like this: