Ciidamada Nabad sugidda Soomaaliya oo maanta gacanta ku dhigay hub iyo gaadiid….

Hub la qabtay C. Kenya.jpg2Ciidamada Nabad sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ayaa maanta howlgallo ay ka sameeyeen qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Benaadir gacanta ku dhigay hub iyo gaad lagu sheegay in loo isticmaalayay falalka amni darrada ah.

Howlgalka oo ahaa mid ay ciidamadu ku xaqiijinayeen amniga caasimadda, ayay ku soo qabteen 29 qori oo ah nooca AK47, ku Todobo bamgacmeed, labo bistoolo oo ah nooca Tee-teyda loo yaqaan, Todobo gaari oo la rumeysan yahay in loo adeegsado falalka amniga lagu qal qalgelinayo, sideed booshashka qoriga lagu qaato ah iyo qaar ka tirsan kooxaha nabad diidka ah sida uu Warbaahinta u sheegay Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf.

Dhanka kale, Afhayeenka Wasaaradda Amniga Qaranka ayaa sheegay in howgalkii maanta ay ciidamadu ka sameeyeen Muqdisho uu ahaa mid lagu xoojinayo nabad gelyada caasimadda, isla markaana ay joogteynayaan howlgallada lagu baacsanayo kooxaha maleegaya falalka ka dhanka ah amniga, isagoo shacabka ka codsaday inay sii xoojiyaan taageerada ciidamada amniga ee ku howlan adkeynta nabad gelyada.

Sidoo kale Howlgalladan ayaa ah kuwa sii xoojinaya xaaladda amni ee Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyay ka soo kabanayay falalka bulshada lagu dhibaateynayo oo ay sameynayeen kooxaha nabad diidka ah.

SomaliSwiss           Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

 
%d bloggers like this: