Ciidamada Dowladda oo la wareegay deegaanka Ceel-Garas ee gobolka Galguduud.

ciidamada xooga dalka SoomaaliyaCidiamada dowladda iyo kuwa midowga Afrika ee AMISOM ayaa shalay gelinkii dambe la wareegay degaanka Ceel Garas ee gobolka Galguduud halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Afhayeenka ciidamada dowladda eek u sugan Ceel Buur Maxamed Kaariye Rooble ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamadu ay gaareen Ceel Garas oo qiyaastii 50km dhinaca woqooyi uga beegan degmada Ceel Buur ee gobolka Galguduud.

Ciidamada ayaa baaritaano ka sameeyay xaafadaha Ceel-Garas ayagoo helay hub la sheegay in maleeshiyaadku ay uga carareen degaanka.

Saraakiisha ciidamada ayaa hadlay dadka degaanka ayagoo ka codsaday in ay kala shaqeeyaan ammaanka si looga guuleysto koxda Al-Shabab ee dhibaatada ku haysay muddada dheer dadka shacabka ah.

SomaliSwiss        Ceel Buur
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: