Ra’iisul-Wasaare Cabdiweli oo booqasho ku tagay Baydhabo iyo Tiyeeglow, kuna soo laabtay Muqdisho.

Ra'iisal-wasaare Baydhabo, TijeeglowRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar shaqo ah ku tagay degmooyinka Baydhabo iyo Tiyeeglow oo ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool, waxaana socdaalka ku wehelyey Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aaden Maxamed. Continue reading

Gudoomiyaha Baarlamaanka oo magaalada Baydhabo kula kulmay Ganacsato iyo Xildhibaanno Kusoo Biiray Wafdigiisa.

Jawaari Baydhabo.JPG8Gudoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo maalmahan Baydhabo kulammo kula lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa saakay kulan la qaatay ganacsatada gobolladan kuwooda ugu waaweyn ayadoo dhanka kalena wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ay kusoo biireen Xildhibaanno hor leh.
Continue reading

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Diinta iyo Owqaafta ahna kuxigeenka Ra’isul wasaaraha oo gaaray degmada Buuloburde ee G/Hiiraan.

Wasiirka DiintaWafdi uu hogaaminayo wasiirka diinta iyo owqaafta ahna kuxigeenka Ra’isulwasaaraha Mudane Ridwaan Xersi Maxamed oo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, halkaasoo uu ka dhacay isu soo bax weyn oo lagu soo dhaweynayo madaxda dowlada federaalka ah.
Continue reading

Gudoomiye kuxigeenka Baarlamaanka oo sheegay in dib loo dhigay furitaanka Kal-fadhiga 5aad ee Golaha Shacbiga.

jeylaani-nuur-iikar.jpg2Gudoomiye kuxigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Jeylaani Nuur Iikar oo maanta lahadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu dib u dhac ku yimid furitaanka kalfadhigii 5aad ee baarlamaanka deferaalka kaasoo lagu madalsanaa 10ka bishan aynu kujirno isagoo ku macneeyay sababo farsamo iyo howl oculus oo xiligan horyaala gudoonka Baarlamaanka.
Continue reading

Abaanduulaha Ciidanka XDS oo Maanta meel fagaara ah kula hadlay Dadka ku nool degmada Jalalaqsi.

Abbaanduulaha Ciidanka XDSAbaanduulaha ciidanka XDS Gen. C/risaaq Qaliif ayaa wuxuu maanta meel fagaare ah, kula hadlay shacabka ku dhaqan magaalada Jalalaqsi, ha yeeshee Abaanduuluhu wuxuu uga mahadceliyaydadka deegaankaas sida wadaniyadda leh oo ay usoo dhaweeyeen ciidamada, wuxuuna ballan qaaday inuu sii socondoono howlgalka Badweynta Hindiya tan iyo inta dalka laga xoreeynayo argagixisada.
Continue reading

Degmada Buula-burte ee Gobolka Hiiraan oo la gaarsiyay Gargaar Raashiin ah oo ka yimid dalka Jabuuti.

 Gargaarkii iyo booqashadii Amanda ee Soomaaliya22War aan ka helnay Weryaha Shabakada SomaliSwiss ee G/Hiiraan ayaa soo sheegay in Degmada Buula-burte ay saakay gaareen gadiid xamuul ah oo wadda raashin cadadkiisu uu gaaraya ilaa 280 oo tan oo uu ku deeqday dowladda dalka Jabuuti.
Continue reading

%d bloggers like this: