Xaflad lagu soo dhoweynayay Xildhibaan Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan oo xalay lagu qabtay magaalada London.

IMG_0462Xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay soo qabanqaabiyeen bahweynta Isboortiga Soomaaliyeed ee UK oo lagu soo dhoweynayay Xildhibaan Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan, soona qabatay xilalka R/W kuxigeen & wasiirkii Arimaha Dibada ee dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xalay lagu qabtay magaalada London ee wadanka Ingiriiska. hoos ka daawo sawirada kale oo badan

Xafladaasi ayaa waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro hore Xildhibaano, bahweynta Isboortiga, Fannaaniin, Odayaal Haween, iyo masuuliyiin kale oo fara badan.

Waxaa inta badan looga hadlay xafladaasi soo dhoweynta Xildhibaan Marwo Fowsiyo kadib sidii dalkka Soomaaliya dhibaatada looga saari lahaa, isla markaana loo taageera lahaa dowlada Federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Xafladaasi ayaa waxaa soo xiray Xildhibaan Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan waxaa ayna uga mahad celisay halkaasi bahweyntii Isboortiga ee xafladaasi u sameysay iyo dhammaad Jaaliyadii Soomaaliyeed ee kasoo qeyb gashay.

SomaliSwiss London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: