Wafdi uu horkacayo Guddoomiyaha baarlamanka oo maanta tagay magaalada Baydhabo ee Xarunta G/Bay.

Jawaari Baydhabo.JPG4Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ahna ku simaha madaxweynaha, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Baydhabo iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Jawaari Baydhabo.JPG1Wafdiga guddoomiyaha baarlamaanka oo ay ku jireen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo kusoo dhaweeyay wasiirro horay u joogay Baydhabo, waxgarad, saraakiisha AMISOM, siyaasiyiin, haween iyo qaybaha bulshada, isagoo salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Soomaaliya.

Prof. Jawaari ayaa soo dhaweynta kaddib kulan la qaatay qaybaha bulshada iyadoo kulanka ay goobjoog ka ahaayeen xubnaha guddiga farsamada ee ay xukuumaddu u magacawday maamul u sameynta gobollada Koonfureed ee dalka.

Jawaari Baydhabo.JPG3Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaarraha, Khaalid Cumar Cali oo magaca guddiga ku hadlayay ayaa kaga mahadceliyay shacabka iyo maamulka sida ay guddigooda u soo dhaweeyeen, isla markaana ula shaqeeyeen.

Gudoomiyaha baarlamaanka oo khudbad ka jeediyay kulanka ka hadlay waxa laga dhowrayo shacabka gobolladan oo ah inay aayahooda ka tashadaan, isla markaana isku raacaan sidii ay u sameysan lahaayeen hal maamul oo ay ku mideysan yihiin, taasoo uu sheegay inay Soomaalida oo dhan ka dhur-sugayso.

Jawaari Baydhabo.JPG2 Jawaari ayaa kula dardaarmay shacabka gobollada maamulka loo sameynayo inay mar walba ilaaliyaan ammaankooda iyo isku duubnidooda, isagoo xusuusiyay in mar walba ay ogaadaan kaalinta ay ku lahaayeen jiritaanka iyo xoojinta qarannimada Soomaaliya.

Waxaa Saakay Magaalada Baydhabo ka socday qaban-qaabo lagu soo dhaweynayo guddoomiyaha iyo wafdigiisa, iyadoo dhawaan uu baaqday safar uu ku tegi lahaa degmadaas Ra’iisul wasaaraha, balse ay dadweynaha sameeyeen dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan imaanshaha Ra’iisal-wasaaraha.

Mudane Jawaari waxaa safarkiisa ku wehlinaya Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo la sheegay in safarkoodan uu salka ku hayo sidii ay khilaafyada jira u soo xallin lahaayeen.

Jawaari BaydhaboWasiirrada ka tirsan xukuumada Soomaaliya iyo guddi horay loogu saaray inay soo dhisaan maamul saddex gobol ah ayaa ku sugan magaaladaas, kuwaas oo shirar kala duwan la lahaa tan iyo bishii hore waxgaradka iyo shacabka degmadaas si ay uga dhaadhiciyaan qorshaha maamulka ay sameynayaan.

Si kastaba ha ahaatee, xubnaha maamulka lixda gobol ayaa weli diiddan in la dhiso maamul aan kooda ahayn, iyadoo tani ay culeys weyn saartay inay ku guuleystaan guddiga iyo wasiirrada Baydhabo ku sugan inay muddadii loogu talogalay kusoo dhisan maamulka saddexda gobol ka kooban.

SomaliSwiss     Baydhabo
SomaliSwiss@hotmail.com

 
%d bloggers like this: