Madaxweyne Xasan oo maanta gelinka dambe gaaray Caasimadda dalka Kenya, kana Qayb-galaya berri shir ka Furmaya magaalada Nairobi.

Madaxweynaha oo dib ugu soo laabtay dalkaMadxweynaha Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu uga qayb-geli doono shir looga hadlayo arrimaha argigixisada oo hogaamiyayaasha Afrika ay ka soo qaybgalayaan.

Shirkan ayaa furmi doona berri ah, iyadoo wafdiga Soomaaliya uga qaybgalaya ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda, C/raxmaan Ducaale Bayle iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

Danjire Cali Ameeriko oo ka hadlayay qodobbada shirkaan looga hadli doono wuxuu yiri: “Kulankan waxaa looga hadlayaa la dagaalanka argagixisada iyo sidii hoggaamiyeyaasha Afrika ay uga qayb-qaadan lahaayeen sidii argagixisada loo cirib tiri lahaa; si loo joojiyo dhibaatooyin ay ku haya bulshada Qaaradda”.

Sidoo kale Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Kenya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo uu jiro muran xooggan oo u dhexeeya labada wadan, kaasoo ku saabsan xuduudaha badda.

Balse lama oga in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo dhiggiisa Kenya, Uhuru Kenyatta ay kawada hadli doonaan arrintan, iyadoo xiisadda arrintan ka dhalatay ay meel sare labada dowladood ka gaartay.

SomaliSwiss       Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: