Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in Al-Shabaab aanay joojinaynin weerarada, balse Ciidamada Qaranka ay burburinayaan Kooxdaasi.

Madaxweyne_Xasan_Sheekh_MaxamuudMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ku sugan dalka Turkiga ayaa si adag u cambaareeyay weerar ay Al-shabaab shalay ku qaadday xarunta nabadsugidda gobolka Banaadir, wuxuuna si cad u sheegay in Al-shabaab aan joojinaynin weerarrada, balse Ciidamada Qaranka aan iyaguna joojin doonin dagaalka, ilaa laga burburiyo Kooxdaas.

Mudane Xasan Sheekh ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid fulaynimo ah, isagoo u tacsiyeeyay ciidamadii dowladda ee weerarkaas ku dhintay, isgaoo qoraal uu soo saaray ku sheegay in weerarkaas uusan hor-istaagi doono horumarrada ay dowladda iyo AMISOM ka sameeyeen dagaallada ay kula jiraan kooxdan.
“Waxaan maqlay in shalay ay weerareen xarunta nabadsugidda gobolka ee Godka Jilicoow kooxo hubeysan oo weerarkooda u adeegsaday bambooyin iyo qoryo fudud, iyagoo doonayay inay xabsiga kala baxaan maxaabiis, balse laga horjoogsaday,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa weerarkan ku tilmaamay mid ka dhashay howlgallad ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kaga horjeedaan Al-shabaab, isagoo ciidamada ku boorriyay inay howlgalladooda xoojiyaan.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa ku daray: “Weerarrada noocan oo kale ah waa kuwo aan horay u soo arki jirnay, wayna sii soconayaan guulaha ay ciidamadu ka gaareen howlgalka Badweynta Hindiya, mana joogsan doonaan inta aan argagaxisada cagta ka marinayno. Sidoo kalena waxaa la wadi doonnaa howlgallada looga horjeedo Al-shabaab ee Muqdisho ka socda”.

Madaxweyne Xasan oo sii hadlaya ayuu mar kale yiri: “Al-shabaab way isku dayi doonaan inay fuliyaan weerarro noocan oo kale ah, waayo ma haystaan fusad kale. Laakiin ciidamada dowladda iyo kuwa Midowga Afrika waxay xoojin doonaan dagaalka ay kula jiraan kooxdan”.

Madaxweynuhu wuxuu ugu dambeyn, shacabka Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka qaybgalaan howlgallada socda, ayna ciidamada amniga Qaranka u soo sheegaan cid walba oo kooxdan ka tirsan, xitaa haddii uu yahay wiil ay dhaleen iyo walaalkood.

Madaxweynuhu wuxuu hadalkiisa kusoo gaba-gabeeyay ee uu yiri: “Qof walba oo Soomaali ah waa waajib saaran inuu soo sheego xubnaha Al-shabaab ka tirsan waayo waxay khatar ku yihiin naftooda iyo nafteenna”.

Si kasta ha ahaatee weerarkan ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, waxaana ku dhintay 11-qof oo u badan xoogaggii xabsiga weeraray, iyadoo afhayeen u hadlay Al-shabaab uu sheegay inay kaga hortagayeen jir-dillo iyo ciqaabo kale oo ay ciidamada dowladdu ugu geystaan xabsigaas dad badan oo muslimiin ah.

SomaliSwiss           Istanbul
SomaliSwiss@hotmail.com

 
%d bloggers like this: