Koox ka tirsan Xoogagga Xarakada Al-shabaab oo maanta weeraray Xabsiga Godka Jilacoow ee magaalada Muqdisho

Al-Shabaab insurgents.jpg1Warar naga soo gaaray Saakay ayaa sheegaya in kooxo ka tirsan Al-shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen Xarunta Nabadsugidda Gobolka Banaadir oo ku taalla xabsigii godka jilacoow oo ku dhow Barlamaankii hore ee Soomaaliya.
Warku wuxuu sheegaya in qarax xoogan uu weerarku ku billowday, kaasoo ka dhacay bar-koontarool oo laga ilaaliyo xarunta, iyadoo qaraxa kaddib ay billaabatay rasaas xooggan oo u dhexeysay ciidamadii halkaas ku sugnaa iyo xoogggii weerarka qaaday.

Xaruntan ayaa ka mid ah kuwa muhiimka ah ee ay nabadsugidda Soomaaliya ku leeyihiin magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku xiran yihiin boqolaal ruux oo loo hasto dambiyo kala duwan.

Sidoo kale wararka qaarood ayaa sheegaya in kooxahan hubeysan ay gudaha u galeen xarunta, halkaasoo uu is-rasaaseyn ku dhex-marayso ciidanka nabadsugidda iyo xoogagga hubeysan.

Dhowr qarax ayaa laga maqlay gudaha xaruntaas, iyadoo uu kusoo beegmay weerarkan xilli Al-shabaab laga qabsaday deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose oo ay ku jirto Buulo-mareer oo ka mid ahayd xarumahooda waweyn.

Dhanka kale ilaa haatan war lagama hayo khasaaraha goobtas ka dhacay, iyadoo weerarkan uu qayb ka noqonayo weerarro is-xiga oo kooxda Al-shabaab ay ka geysanaysa meelo muhim ah ee ku yaala magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

 
%d bloggers like this: