Ciidamada XDS oo gacan ka helaaya Kuwa AMISOM oo la wareegay Deegaanno ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe

Jowhar.jpg2Howlgalka Badweynta Hindiya oo loogu saarayo Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa waxaa uu shalay ka bilowday gobolka Shabeellaha Hoose, sidoo kalena waxaa maanta ciidamada XDS oo gacan ka helaaya kuwa AMISOM ay ka billaabeen G/Sh/Dhexe.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidanku ay saacadihii la soo dhaafay la wareegeen Tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan gobolka Sh/Dhexe, kuwaas oo horay Al shabaab u maamulayeen waxaana ka mid ah Tuulooyinka gacanta Ciidanka soo galay Garas Dhiin iyo Kanaalka Shiinaha .

Saraakiisha Ciidanka iyo Maamulka Gobolkaas ayaa ujeedada howlgalka ku macneeeyay sidii ay gobolkaasi uga xoreyn lahaayeen maleeshiyaadka Alshabaab isla markaana ay wadooyinka ugu furi lahaayeen gobollada kale.

Howlgalka Badweynta Hindiya ayaa si dardar leh uga bilowday gobollada dalka, kaasoo dalka looga xoreynayo Malleeshiyaadka Alshabaab ee dhibaatada ku haya dadka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss      Jowhar
SomaliSwiss@hotmail.com

 
%d bloggers like this: