Xarakada Al-shabaab oo laga qabsaday deegaanada Gol-weyn iyo Buulo-mareer iyo dadweynihii deegaanka oo ka Barakacay goobahaas.

AMISOMWarkii ugu dambeeyay oo goor dhow naga soo gaaray Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanada Gol-weyn iyo Buulo-mareer iyo dadweynihii deegaanka oo ka Barakacay.

Deegaanka Golweyn iyo Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose oo isku jira 15-km ayaa waxay ahayd xarunta labaad ee Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolkaas.

Weerarkan oo ay saaka aroortii ciidamada huwanta ah ku qaadeen deegaannada ay gobolkaas kaga sugan tahay Al-shabaab ayaa sheegaya in deegaanka Buulo-mareer ay ka barakaceen dhammaan dadkii ku noolaa.

“Deegaanka oo dhan waa laga barakacay, ma jirto cid hadda ku sugan” ayay tiri mid ka mid ah haweenkii saaka ka barakacay deegaankaas oo ku sugnayd meel aan ka fogeyn Buulo-mareer.

Haweeneydan oo diiday in la sheego   magaceeda sababo ammaan darteed ayaa waxay intaas ku dartay in xoogagga Al-shabaab ay amar ku siiyeen dadkii ku noolaa Buulo-mareer inay ka baxaan, qofkii ku harana ay u aqoosan doonaan inay la shaqeyso dowladda Sooamaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka in magaalada Buul-mareer ay labadii maalmood ee ugu dambeeyay  ka socday barakac xooggan oo ay sameynayaan xubnaha Al-shabaab ka tirsan iyo shacabkii ku noolaa, iyadoo howlgalkan ay saraakiisha dowladda iyo AMISOM ku sheegeen inuu yahay mid Al-shabaab looga sifeynayo dalka oo dhan.

Dhanka kale, Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa dhawaan sheegay inay si rasmi ah u billaabeen howlgalka la-dagaalanka Al-shabaab wajigiisii labaad, iyadoo haddii laga qabsadoAl-shabaab Buulo-mareer iyo Baraawe ay ku noqonayso dhabar-jab kale oo kasoo wajahay dagaallada looga horjeedo.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay dagaallo ka socdaan gobolka Shabeellada Hoose, ha yeeshee ma jirto faahfaahin intaas ka badan oo ay bixiyeen, iyadoo dadkii barakacay qaarkood ay gaareen degmada Baraawe ee gobolkaas oo iyaduna uu walaac weyn ka taagan yahay.

SomaliSwiss    Golweyn
SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: