Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Qaramada Midoobay u dirtay Dacwad ku Saabsan Xuduudaha Badda.

United Nations buildingDowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u dirtay maxkamadda ugu sarreysa Qaramada Midoobay dacwad la xiriirta muranka badda ee kala dhexeeya Kenya, si loo ogaado xadka badda ee uu dal walba leeyahay.

Shalay oo Khamiis ahayd, ayay dowladdu gudbisay Dacwaddan, waxayna ku tilmameen mas’uuliyiinta dowladda caalamku aqoonsan yahay in tani ay ka mid tahay qorshayaal ay ku doonayaan inay dib ugu soo celiyaan xuduudihii badda ee ay Soomaaliya lahayd.

Sida laga warqabo Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxay dhowr jeer ka hadleen muranka xuduudaha badda ee u dhexeeya, iyadoo lagu guul-darreystay dadaallo caalami ah oo labada dal lagu dhexdhexaadin lahaa.

Sida ay ku riyoonaysa dowladda Kenya oo ay ciidammo ka joogaan Somalia waxayay dooneysaa inay gacanta ku dhigto dhul badeed dhirirkiisu gaarayo 100-km oo isku wareeg ah, kasoo la sheegayo inuu qani ku yahay gaaska iyo saliidda.

Waraka ayaa tilmaamaya in Kenya ay qandaraasyo ku siisay shirkado caalami ah oo gaas iyo saliid ka baara goobahaas, inkastoo ay jirto hubaal la’aan ah cidda leh dhulka uu muranka ka taaganyahay.

Warbixin ay soo saartay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay ka codsatay maxkamadda inay go’aan ka gaarto arrinta ku saabsan muranka badda.

Sidoo kale, warbixinta maxkamadda ayaa waxaa kaloo lagu sheegay inay labada dal aqoonsan yihiin awooda maxkamadda, waxayna intaas ku sii dartay in Soomaaliya ay sheegtay in lagu guul-dareystay in qaab siyaasi ah lagu xaliyo muran badeedkan.

Dhanka kale, Soomaaliya ayaa doonaysa in marka xuduudda badda ee kala dhexeeya Kenya la dhameeyo, lana simo xadka dhulka iyo kuwa badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya.

Dacwadaha la xiriira muranka badda ee la horgeynayo maxkamaddan ayaa in go’aan laga gaaro waxay qaadan karaa muddo sannado ah.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: