Madaxweynaha Soomaaliya oo si heer Sare ah loogu soo dhaweeyey Magaalada Ankara ee dalka Turkiga

???????????????????????????????Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goor dhow soo gaaray waxaana si heer Sare ah loogu soo dhaweeyey magaalada Ankara ee xarunta dalka Turkiga, halkaasoo uu uga qeybgeli doono caleema saarka madaxweynaha cusub ee Turkiga Racep Tayip Erdogan oo ka dhaceysa maagalada Ankara.
???????????????????????????????Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Mas,uuliyiin katirsan dowladda Turkiga, safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo diplomaasiyiin Soomaaliyeed waxaana loo galbiyay halka uu ka degayo magaalada Ankara,

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in wafdiga madaxweynuhu ka qeybgalka munaasabadda ka sokow ay kulamo muhiim ah la yeelan doonaan mas,uuliyiinta wadankan ee kala duwan gaar ahaan madaxweynaha cusub iyo ra,isulwasaaraha Turkiga iyo weliba ganacsato.

???????????????????????????????Madaxweynaha cusub ee Turkiga ayaa intii uu ahaa Ra,isulwasaaraha dalkan waxa ay dowladiisu ka fulisay Soomaaliya mashaariic farabadan oo isugu jira dib u dhis,iyo horumarinta adeegyada caafimaadka iyadoo ay intaa dheertahay deeqo waxbarasho oo ay ka heleen arday badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo ilaa hadda wax ka barta gobollada dalka Turkiga ee kala duwan.

Madax badan oo aduunka ah ayaa kusoo qul qulaya magaalada Ankara si ay uga qeybgalaan munaasabadda Khamiista ka dhaceysa Ankara ee ku aadan caleema saarka madaxweynaha ku guuleystay doorashadii ka dhacday Turkiga.

???????????????????????????????Madaxweyne Erdogan ayaa ahaa Mas,uulkii ugu horeeyay ee indhaha caalamka kusoo jeediya Soomaaliya kadib markii uu booqasho ku yimid magaalada Muqdisho sanadkii 2011ka ee ina soo dhaafay.

???????????????????????????????SomaliSwiss     Ankara
SomaliSwiss@hotmail.com

 

//

%d bloggers like this: