Taliska Ciidanka XDS iyo Kan AMISOM oo si wada jir ah u bilaabayaan Howlgal loogu Magacdaray Badweynta India.

Taliska XDSTalisyada Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku dhawaaqay in ay billaabayaan wajigii labaad ee howlgal ay kaga saarayaan gobollada dalka qaarkood Maleeshiyaadka Xarakada Al-shabaab, howlgalkaasoo ay ugu magic-dareen Badweynta India (Indian Ocean). HOOS KA DAAWO VIDEO.

Abbaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Gen, Cabdirisaaq Kahliif Cilmi ayaa sheegay in howl-galka oo loogu magac daray Badweynta Hindiya ( Indian Ocean) xoogga lagu saarayo furitaanka waddooyinka iyo gaarsiinta gargaarka ay dowladdu ugu talagashay dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.

Gen. Cabdirisaaq ayaa tilmaamay in howl-galka ay ka qayb qaadanayaan dadweynaha ku nool deegaannada ay malleeshiyadu uga sugan tahay dalka, si loo soo afjaro ka hor inta aysan abaartu dhibaato gaarsiin bulshada deegaannadaas.

Sidoo kale, Abaanduulaha ayaa ka codsaday shacbiga Soomaliyeed in ay gacan ku siiyaan fulinta howl-gallo kama dambays ah oo lagu xaqiijinayo xaqa ay ummaddu u leedahay in ay ku noolaato xornimo iyo nabadgalyo.

Dhanka kale, Taliyaha ciidammada AMISOM ayaa isaguna sheegay in howl-galkani yahay waddada kaliya ee suura galin karta in wax laga qabto dhibaatooyinka bani’aadannimo ee ka jira Soomaaliya.

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa wadda qoorshe ay dalka kaga xoreyneyso Maleeshiyaadka Al-Shabaab oo dhibaatooyin ba’an ku haya shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaano ka mid ah gobolada dalka.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

 

//

%d bloggers like this: