Advertisements

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay.

???????????????????????????????Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya G/dhexe C/raxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo ay hogaamineyso ku-xigeenka Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Fatiha Serour iyo Waldemar Vrey oo ah madaxa hay’adda amniga iyo sharciyada.

???????????????????????????????Kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta ka dhexeysa hay’adaha Qaramada Midoobay iyo Maxkamadda sare iyo in laga caawiyo Maxkamadda dhanka xiriirada iyo sharciyada.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday in si wada jir ah looga hortago wararka been abuurka ah ee ka dhanka ah xasiloonida, guud ahaan iyo gaar ahaan hay’adaha sharciga iyo amniga, si loo xoojiyo howlgallada ka dhanka ah kooxaha nabad diidka ah.

???????????????????????????????Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya Kornayl C/raxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa tilmaamay in kulanka uu la qaatay xubnaha ka socday Qaramada Midoobay uu ku soo idlaaday guul, isagoo xusay in waxyaabaha kulankooda looga hadlay ay ku jirtay sidii loo horumarin lahaa xanaaneynta iyo dhaqan celinta kuwa ka soo goosta maleeshiyada Al-Shabaab.

Gaashanle Dhexe C/raxmaan Tuuryare kulanka uu maanta la qaatay wafdiga ka socda Qaramada Midoobay waxaa ku wehliyay Maxamed Abshir oo ah madaxa xafiiska xiriirka guud ee Maxakamadda sare ee ciidamada qalabka sida.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: