Advertisements

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee dalka oo sheegay inay dambi tahay in laga kireeyo maleeshiyaadka Al-Shabaab guryo.

Guddoomiyaha maxkamada SareGuddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka sida ee dalka Cabdiraxmaan Maxamuud Tuuryare ayaa sheegay in ay dambi tahay in maleeshiyaadka Al-Shabaab laga kireeyo guryo ama goobo kale.

Guddoomiyuhu wuxuu wareysi siiyay Warbaahinta Gudaha Soomaaliya ugu baaqay dadka shacabka ah in ay ciidamada ammaanka ku wargeliyaan cid kasta oo ay ka shakiyaan isla markaana ay la shaqeeyaan maamullada degaanka si looga fogaado in kooxaha dhibaatada wada ay fursad u helaan inay bulshada dhexdeeda ku abaabulaan qaraxyada iyo dilalka gaadmada ah.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ee dalka Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa uga digay dadka inay caawiyaan ama ay qariyaan shakhsiyaadka ka tirsan Al-Shabaab, ciddii arrintaa sameysana sharcigu uu qaban doono.

Maxkada ciimada qalabka sida ayaa maalintii shalay xukun lix bil ah ku ridday aabbe Soomaliyeed oo wiilkiisu ka tirsanaa kooxda Al-Shabab. Aabaha ayaa lagu helay dambi ah inuu ogaa wiilkiisa cidda uu ka tirsan yahay isla markaana uusan soo wargelin ciidamada ammaanka.

SomaliSwiss      Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: