Advertisements

Ciidamada Ammaanka oo soo qabqabtay Afartan Qof oo Maandooriye si kala duwan u isticmaalayay.

XamarweyneCiidamada ammaanka oo kaashanay Maamulka degmada Xamarweyne ayaa ka fuliyay howl-gal ka dhan kooxaha maandooriyaha ka ganacsada iyo kuwa isticmaala ee ku sugan degmadaasi.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 40 qofood oo ay ku jiraan afar haween ah, kuwaas oo isugu jiray qaar ka ganacsanayay maan-dooriyaha iyo kuwo isticmaalayay. Dadkaan waxaa ku jira kuwo Xashiiska iibinayay iyo kuwo kariya maan-dooriyaha loo yaqaano Calaqa.

Mudane Cabdullaahi Cismaan Jimcaale oo ka tirsan xafiiska dambi baarista ee degmada Xamar Weyne ayaa sheegay in dadkaan loo gudbinayo xafiiska xeer-ilaaliyaha qaranka si loo maxkamadeeyo.
Dr. Cabdi Cali Cumar oo ah ku-xigeenka xeer-ilaalyaha guud ee Qaranka ayaa sheegay in dadkaan iyo kuwa la midka ah ee dambiyada gala la horgeyn doono caddaaladda.

Ugu danbeyntii Guddomiyaha degmada Xamarwayne Cabdulqaadir Maxamed Cabdulqadir ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii wadayaan howl galladaan lagu cirib tirayo kuwa caadaystay in gudaha magaalada ay ku isticmaalaan ama uga ganacsadaan waxyaabaha maanka dooriya

SomaliSwiss       Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: