Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka oo Booqasho howleed ku tegay magaalada Kismaayo ee G/Jubbada Hoose.

Wasiirka Gudaha.jpg3Wafdi ballaaran oo ka koobnaa wasiirro ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya, xubno ka socday IGAD iyo wakiillo ka socday qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa maanta gelinkii danbe xilliga Soomaaliya soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose. Continue reading

Hey’ad gargaar laga leeyahay dalka Qadar oo Maamulka Gobolka Banaadir guddoonsiiyay doonyo cusub & agab dhismo.

DoonHay’adda gar gaarka u qaabilsan dalka Qadar ee (Qatar Charity) ayaa maanta maamulka Gobolka Benaadir ku wareejiyay 40 doonyood oo loogu talagalay in lagu caawiyo kalluumeysatada gobolka Benaadir, iyadoo guddoomiye ku-xigeenka dhanka siyaasadda ee Maamulka Gobolka Mudane Maxamed Aadan Guuleed uu kaga mahadceliyay mas’uuliyiinta hay’adda Qadar, kaalmada ay soo gaarsiiyeen, isagoo xusay in ay wax weyn ku soo kordhineyso kalluumeysatada gobolka ku dhaqan.
Continue reading

Afhayeenka AMISOM oo Shaaca ka qaaday in ay billaabayaan Wajigii Labaad ee Howlgalkooda.

Afhayeenka_AMISOM_Col_XumadCol. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in dhawaan billaabanayaan wajigii labaad ee howl-galka ka dhanka ah Al-shabaab, si ay uga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolada dalka. Afhayeenka AMISOM ayaa sheegay inay soo gabagabeeyeen qaybtii hore ee howl-gallda ayna haatan billaabayaan qeybtii labaad, si howlaha u haray ay u dhameystiraan.

Continue reading

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo go’aano ka soo saartay habka qaadista canshuuraha Qaranka.

Golaha Wasiiradda.jpg8Kulan ay xalay isugu yimaadeen guddi uu madax u yahay ku xigeenka ra’iisul wasaaraha, Ridwaan Xirsi Maxamed ayna ka qaybgaleen xubno ka tirsan golaha wasiirrada Soomaaliya, maamulka gobolka Banaadir iyo rugta ganacsiga Soomaaliyeed ayaa looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa cabashooyinka ay dowladdu u soo gudbiyeen qaar ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha.
Continue reading

Hindise-shaciyeedka Xeerka Saxaafadda oo dhammeystiran oo maanta lagu baahiyey qalabka Warbaahinta.

Somalia logoHINDISE-SHARCIYEED Xeerka Saxaafadda Qaranka wuxuu u qoran yahay sidatan :

Hordhac

Qeexidda Saxaafadda
Saxaafaddu waa habka loogu gudbiyo bulshadda warar, macluumaad, madadaalo,khudbado, xog ama afkaar, kuwaas oo lagu gudbiyo maqal, muuqaal ama qoraal, iyadoo la adeegsanayo wargeysyada ama qalabka kale ee warbaahinta sida: idaacadaha, telefeshinada, wakaaladaha wararka, website-yada, khudbadaha, filimada, farshaxanka sawirrada, joornaalada, buugaagta iyo wax kasta oo la daabaco si guudna loogu soo bandhigayo bulshadda. Continue reading

%d bloggers like this: