Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay kula kulmay Mr. Frank Lobionda oo ka tirsan kongareska Mareykanka, kana mid ah xubin ka ah gudiyada qaabilsan arimaha ciidamada iyo wardoonka Mareykanka.
Sidoo kale, Kulanka dhexmaray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Frank Lobioda ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka Gaashaandhigga iyo qaar katirsan taliyeyaasha ciidamada qalabka sida iyadoo kulankana xooga lagu saaray xaaladda amniga dalkeena iyo taageerada dowlada Mareykanka ee ku aadan horumarinta hay’adaha amniga ee Soomaaliya,
Kulankan oo talooyin kala duwan la isku dhaafsaday ayaa madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud waxa uu uga mahadceliayya dowlada Mareykanka taagerada ay siiso Soomaaliya isagoo muujiyay sida loogu bahaanyahay in la kordhiyo lana siiwado.
Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cali Maxamed Cumar ayaa sheegay in u jeedada mudane Frank uu u yimid Soomaaliya ay tahay sidii uu u ogaan lahaa xaalada dhabta ah oo hadda ka jirta Soomaaliya gaar ahaan amaanka.
Dhanka kale Agaasimaha ayaa intaa ku daray Mr Franka Lobionda oo ka tirsan Kongareska Mareykanka loo sharaxay xaaladda Soomaaliya iyadoo Madaxweyanaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu u sheegay in taageerada dhanka ciidamada oo dowladda Mareykanka ay siiso Soomaaliya uu ugu mahadceliyay.
Dowladda mareykanka ayaa dhinacyo badan oo ciidamadu ugu horeeyaan ka caawisa dalkeena iyadoo
Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud safarkiisii uu dhawaan ku tagey dalkaasina uu Mareykanku bixiyay balanqaadyo hor leh taasoo muujineysa xiriirka 2 wadan ka dhaxeeya ee dib usoo laabtay .
Somaliswiss    Muqdisho
Somaliswiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |