Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Xilka la Wareegay

???????????????????????????????Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen “Guudlaawe” ayaa xilkiisa la wareegay kaddib munaasabad lagu qabtay magaalada Jowhar oo ay ka qeyb galeen qeybaha bulshada iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cabdi Jiinoow Calasoow ayaa munaasabadda xil-wareejinta ka sheegay in muddadii uu xilka hayay ay u qabsoomeen waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dib-dhis lagu sameeyay xafiisyada maamulka, dayactirka waddadad dhexmarta Jowhar iyo Balcad, Leyrar ku shaqeeya cadceeda oo laga hirgaliyay Jowhar iyo Balcad iyo ammaanka oo uu maamulku wax badan ka qabtay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Cali Abtidoon Xalane ayaa u mahad celiyay guddoomiyihii hore ee gobolka, isagoo sheegay in wasaaraddu ay garab taagan tahay maamullada gobollada si ay ugu shaqeeyaan bulshada.

Guddoomiyaha cusub ee gobolka Shabeelaha Dhexe Cali Cabdullaahi Xuseen ayaa maamulkii hore ku amaanay shaqadii ay gobolka ka qabteen. wuxuu tilmaamay in uu xoogga saari doono wax ka qabashada ammaanka, Caddaaladda iyo dib u dhiska gobolka.

Somaliswiss        Jowhar
Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: