Advertisements

Ciidamo ka tirsan Dowladda Somaaliya oo Tababar loogu qaaday Dalka Imaaraadka Carabta.

Ciidan tababar ImaaraadkaQaybtii saddexaad ee ka tirsan ciidamada gaarka ee ilaalada Madaxtooyada ayaa loo qaaday tababar ay ku soo qaadan doonaan dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta, kaasi oo ah mid heerkiisu uu sareeyo.

Agaasime ku-xgeenka Madaxtooyada Mudane Cabdi Maxamed Axmed oo ka mida ahaa madaxdii sagootinaysay ciidankan ayaa warfidiyeenka u sheegay inay ciidankan ay yihiin qaybtii saddexaad ,iyadoona ay horey u baxeen labo duufcadood oo isugu jiray Rag iyo Dumar oo marba qaar si gaara loo siinayey Tababar ciidan.

Mudane Cabdi Maxamed Axmed ayaa sheegay inay ciidamadan tababarkan ku soo qaadan doonaan wadanka Imaaradka Carabta ,waxaana uu intaas ku daray in la soo bari doono qaabka loo difaaco Madaxda sare iyo ilaalinta dadka muhiimka ah.

Dowlada Imaaradka Carabta ayaa dhowr jeer tababar u fidisay saraakiil iyo askar ka tirsan ciidamada qalabka sida ee waddanka.

Somaliswiss     Muqdisho
Somaliswiss@hotmail.com

 
Advertisements
%d bloggers like this: