Advertisements

Wafdi uu hogaaminaayo R’isulwasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Xeriyadaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Ra'iisal-waasaraha oo Booqday Dh.Wafdi uu hogaaminaayo R’isul wasaaraha Soomaaliya mudane Cabduweli Sheekh Axmed ayaa maanta booqasho ku tagay Xeriyadaha Qaxootiga ee Dhadhaab.

Booqashada uu ku tagay Ra’isukwasaaraha Soomaaliya Cabduweli Sheekh Axmed uu maanta xerooyinka Dhadhaab gobolka Waqooyi Bari ee Wadanka Kenya ayaa waxaa ku wehliyay Wasiiro ka tirsan xukuumadiisa iyo mas’uuliyiinta dowladda Kenya, waxaana wefdiga ay booqdeen Xerada Ifo 1oo kamid ah shanta xero oo Qaxootiga Soomaaliya oo ka badan Nus Milyanka qof ay ku nool yihiin.

Sidoo kale Wafdigu markii ay gaareen Xerada Koowaad ee Ifo ayaa waxay la kulmeen dadka Soomaaliyeed oo halkaasi ku nool ayagoo Cusbitaalka xeriyada, Iskuulaadka waxbarashada iyo goobo kale oo Xerada koowaad ee Ifo ku yaala, ha yeeshee Ra’sulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dadkii ay maanta kula kulmeen Xerada Ifo ay ahaayeen dad jecel in ay Wadakooda dib ugu laabtaan.

Dhanka kale Ra’isulwasaaruhu wuxuu sheegay in ujeedada booqashadiisa ay tahay mid uu ugu kurgalyay xaaladda dadka Soomaaliyeed oo Xerooyinka Dhadhaab ku nool oo qaar kood ay halkaasi degan yihiin nuddo 20 sano ka badan, waxaana uu intaa ku daray Cabduweli Sheekh Axmed Ra’isuwasaaraha dalka in booqashadiisa sidoo kale ay la xiriirto wadatashiyo lal sameynaayo dadka Qaxootiga ah in ay dib ugu soo laabtaan Wadankooda hooyo.

Ra’isulwasaare Cabduweli Sheekh Axmed oo la hadlay Soomaalida ku jira Xeryahaas wuxuu yiri: “Ma jirto qof lagu qasbaayo in uu dib ugu laabto dalka, waa dadka doonaya in ay dalkii ku laabtaan ayaa gacan laga siinayaa arintaasi, dowladda Kenyana waa ay la warqabtaa in uu qorshaha uu sidaa yahay, Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay ayaa wado Barnaamij loogu magac daray Wadankii tag kaas ayaana ka caawinaya dadka doonaya in ay dib u laabtaan”.

SomaliSwiss     Nairobi
SomaliSwiss@hotmail.com

 
Advertisements
%d bloggers like this: